Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

caqiil by caqiil
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalin ama bare waa midka gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah oo ka badbaadiya bulshada uu dhexjoogo mugdiga iyo Jahliga, oo sidoo kale Gaarsiiya ummadda baraaraha cilmiga iyo aqoonta heer ka gaartay.

Hawlaha macalinka iyo shaqadiisa dhabta ah marka ay caruurta yaryari ku soo barbaaraan marka hore guriga dabadeedna ay wax ka soo kororsadaan bulshada degen xaafadooda, caruurta waxaa la geeyaa ama ay tagaan Dugsi Qur’aanka lagu barto iyo iskuulada aqoonta maadiga ah lagu barto waxayna dhexda ka galaan bulsho ka balaaran tii guriga iyo middii xaafadda ay deganayeen.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Sida maamul wax u kala habeeya una maamuuso dadka meesha isugu yimid oo isugu jira dad waawayn iyo kuwo yaryar oo aan wax badan garanayn una baahan turis iyo naxariis fara badan, sidoo kale waxay leedahay bulshadaan shaqaale u heelan sidii ay wax uga qaban lahaayeen wax kasta oo meesha loo yimid kuna saabsan tacliin barasho.

Waxaa kaloo bulshadaan ku jira arday oo iyagana meesh loo keenay in ay wax bartaan garaadkoodana lagu kobciyo iyo macalimiin hoga tusaleeya oo tilmaan guud iyo mid gaar ah ka bixiya aqoonta la baranayo.

Arrimaha nocaan ah ayaa saameyn ย toos ah ku leh Arday kasta, Macalinkana waa hogaamiyahooda sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay Ardayga iyo waalkii dhalay,ย  xiriirkaas waa midย  ku saabsan dhaqan toosin iyo waxbarasho, taana waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan.

Sidokale Baraha ama Macalinka wuxa uuย  sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilasha soo koraya eeย  Bulshada.

HEERARKA UU SOO MARAY MACALINKA

Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kala duwan badankeeduna waxa ay ahayd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeedย  xagga shaqada & xagga xuquuqda.

Sideedana Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:

Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa iyo mid kaloo iyana ku saabsan noloshiisa guud ahaneed.

Marka aan gadaal u raacno sooyaalka taarikhda waxbarashada dadka Soomaaliyeed waxaa la tilmamaa in xilligii ugu dhoweed ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa ay aheed tobankii sano ee ugu horeysayย  hanaqaadkii ย xukuumaddii Kacaankii ee 21 sano dalka soo xukumayay,ย  taasi oo ay marag u tahay qoristii Afka Soomaaliga, Olalahii waxbarasha reer Miyiga iyo sare uqaadistii waxbarashada Ummadda Soomaaliyeed, taasi oo keentay in 21 November loo aqoonsado Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, laguna maamuusa marka lagaaro sanad waliba.

Sidokale markii ugu liitayย  xuquuqda macalinka Soomaaliyeed waxaa lagu tilmamaa intii kadambeesay burburkii dalka 1991, xiligaasi oo uusan helen xuquuqdiisa xagg nolol & xagga kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

Macalinka Soomaaliyeed waxuu kaalin weeyn ka qataa:

  • Bedalida aragtida bulshada uu wax baraya.
  • Waxuu horsedaa in bulshada ay ilaaliyaan karaamada & sharafta Macalinka iyaga oo aaminsan in macalinka uu ka mid yahay waalidka ubaxa waxbaranaya.

Baraha ama Macilinka Soomaaliyeed waxyabaha loga baahanyahay ย waxaa ka mid ah:

  • In uu ogaado in shaqadiisa ugu wayni ay tahay in uu bedelo habdhaqanka ardayga ugu yaraana uu ka dhigaa habdhaqan soo dhawayn kara midkiisa oo kale ama mid ka sii sara marsiisan.
  • In uu kahortago dhaqamada foosha xun ee la soo minguuriyay ee nooga yimid dunida lagu hareereysan iyo wadamada nala deriska ah.
  • In uu bulshada ku gardaadiyo Aqon loo aayo, habdhaqan la tilmaansado iyo karti.

Macalinka Soomaaliyeed ee maanta ay tahay maalintii loo asteey xuskiisa iyo wanaag ku maamuuskiisa uu ogaado in ay saarantahay masโ€™uuliyada uga culus taasi ah inuu soo saaro bulsho Soomaaliyeed oo caafimaad qabta, lehna garaad ka sareeya midka dadyawga nala deriska ah.

Ugu Dambayntii Macalimiinta Soomaaliyeed waxaan u rajeyneeynaa barwaaqo iyo horumar waaro insha Allaah.

W/D Cabdirisaaq Axmed Absuge

Previous Post

Shir ku saabsan horumarinta Beeraha oo Maanta lagu soo gaba-gabeynayo Muqdisho+Sawirro

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay ficilkii lagu dilay Almaas Elman

Next Post
Shaqaalaha Dowladda oo xuska dhalashada Nabiga (scw) awadeed loo fasaxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay ficilkii lagu dilay Almaas Elman

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In