Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed

caqiil by caqiil
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
21 November Maalinta Macalinka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalin ama bare waa midka gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah oo ka badbaadiya bulshada uu dhexjoogo mugdiga iyo Jahliga, oo sidoo kale Gaarsiiya ummadda baraaraha cilmiga iyo aqoonta heer ka gaartay.

Hawlaha macalinka iyo shaqadiisa dhabta ah marka ay caruurta yaryari ku soo barbaaraan marka hore guriga dabadeedna ay wax ka soo kororsadaan bulshada degen xaafadooda, caruurta waxaa la geeyaa ama ay tagaan Dugsi Qur’aanka lagu barto iyo iskuulada aqoonta maadiga ah lagu barto waxayna dhexda ka galaan bulsho ka balaaran tii guriga iyo middii xaafadda ay deganayeen.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Sida maamul wax u kala habeeya una maamuuso dadka meesha isugu yimid oo isugu jira dad waawayn iyo kuwo yaryar oo aan wax badan garanayn una baahan turis iyo naxariis fara badan, sidoo kale waxay leedahay bulshadaan shaqaale u heelan sidii ay wax uga qaban lahaayeen wax kasta oo meesha loo yimid kuna saabsan tacliin barasho.

Waxaa kaloo bulshadaan ku jira arday oo iyagana meesh loo keenay in ay wax bartaan garaadkoodana lagu kobciyo iyo macalimiin hoga tusaleeya oo tilmaan guud iyo mid gaar ah ka bixiya aqoonta la baranayo.

Arrimaha nocaan ah ayaa saameyn  toos ah ku leh Arday kasta, Macalinkana waa hogaamiyahooda sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay Ardayga iyo waalkii dhalay,  xiriirkaas waa mid  ku saabsan dhaqan toosin iyo waxbarasho, taana waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan.

Sidokale Baraha ama Macalinka wuxa uu  sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilasha soo koraya ee  Bulshada.

HEERARKA UU SOO MARAY MACALINKA

Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kala duwan badankeeduna waxa ay ahayd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed  xagga shaqada & xagga xuquuqda.

Sideedana Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:

Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa iyo mid kaloo iyana ku saabsan noloshiisa guud ahaneed.

Marka aan gadaal u raacno sooyaalka taarikhda waxbarashada dadka Soomaaliyeed waxaa la tilmamaa in xilligii ugu dhoweed ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa ay aheed tobankii sano ee ugu horeysay  hanaqaadkii  xukuumaddii Kacaankii ee 21 sano dalka soo xukumayay,  taasi oo ay marag u tahay qoristii Afka Soomaaliga, Olalahii waxbarasha reer Miyiga iyo sare uqaadistii waxbarashada Ummadda Soomaaliyeed, taasi oo keentay in 21 November loo aqoonsado Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, laguna maamuusa marka lagaaro sanad waliba.

Sidokale markii ugu liitay  xuquuqda macalinka Soomaaliyeed waxaa lagu tilmamaa intii kadambeesay burburkii dalka 1991, xiligaasi oo uusan helen xuquuqdiisa xagg nolol & xagga kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

Macalinka Soomaaliyeed waxuu kaalin weeyn ka qataa:

  • Bedalida aragtida bulshada uu wax baraya.
  • Waxuu horsedaa in bulshada ay ilaaliyaan karaamada & sharafta Macalinka iyaga oo aaminsan in macalinka uu ka mid yahay waalidka ubaxa waxbaranaya.

Baraha ama Macilinka Soomaaliyeed waxyabaha loga baahanyahay  waxaa ka mid ah:

  • In uu ogaado in shaqadiisa ugu wayni ay tahay in uu bedelo habdhaqanka ardayga ugu yaraana uu ka dhigaa habdhaqan soo dhawayn kara midkiisa oo kale ama mid ka sii sara marsiisan.
  • In uu kahortago dhaqamada foosha xun ee la soo minguuriyay ee nooga yimid dunida lagu hareereysan iyo wadamada nala deriska ah.
  • In uu bulshada ku gardaadiyo Aqon loo aayo, habdhaqan la tilmaansado iyo karti.

Macalinka Soomaaliyeed ee maanta ay tahay maalintii loo asteey xuskiisa iyo wanaag ku maamuuskiisa uu ogaado in ay saarantahay mas’uuliyada uga culus taasi ah inuu soo saaro bulsho Soomaaliyeed oo caafimaad qabta, lehna garaad ka sareeya midka dadyawga nala deriska ah.

Ugu Dambayntii Macalimiinta Soomaaliyeed waxaan u rajeyneeynaa barwaaqo iyo horumar waaro insha Allaah.

W/D Cabdirisaaq Axmed Absuge

Previous Post

Shir ku saabsan horumarinta Beeraha oo Maanta lagu soo gaba-gabeynayo Muqdisho+Sawirro

Next Post

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay ficilkii lagu dilay Almaas Elman

Next Post
Shaqaalaha Dowladda oo xuska dhalashada Nabiga (scw) awadeed loo fasaxay

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay ficilkii lagu dilay Almaas Elman

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In