Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Facebook oo soo kordhisay adeegga “Ma nabad qabtaa?”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Facebook oo soo kordhisay adeegga “Ma nabad qabtaa?”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkadda Facebook ayaa beddeshay siyaasadeeda ku aaddan in dadka isticmaala ay hubiyaan bed-qabka xigtadooda iyo saaxibadood marka ay musiibo dhacdo, arrintaas ayaa ka dambeysay dhaleeceyn uga timid dadka markii ay adeeggan u fureen weerarradii Paris, halka aysan isticmaalayaasha u oggolaan markii ay dhaceen weerarradii Bayruut ee dhacay maalin ka hor.

Facebook ayaa adeeggan โ€œHubinta Bed-Qabkaโ€ isticmaali jirtay kaliya marka ay dhacdo musiibo dabiici ah si ay dadku u sheegaan inay ka bed-qabaan musiibada, hase yeeshee markii ugu horreysay ayay furtay adeeggan markii ay dhaceen weerarradii Paris habeenkii jimcaha.

Related posts

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

Dadka isticmaala Facebook ayaa fursaddaan uga faaโ€™iideystay inay hubiyaan isla markiiba inay nabad qabaan ehelladooda iyo dadka kale ee ay xiriirka leeyihiin.

Dad badan ayaa ku dhaliilay shirkadda Facebook inaysan fursaddaan oo kale bixinin markii ay dhaceen qaraxyadii is-miidaaminta ahaa ee maalin ka hor ka dhacay Bayruut, halkaas oo ay ku dhinteen 43 qof, 250 kalena ay ku dhaawacmeen. Halka isla markiiba ay shirkaddu adeeggan furtay markii ay dhaceen weerarradii Paris.

Shirkadda Facebook ayaa dhaleeceyntaas uga jawaabtay in weeraraddii Paris markii ay dhaceen, ay markii ugu horreysay shirkaddu furtay adeeggan ayadoo aysan jirin musiibo dabiici ah, taas oo ahayd in la isku dayo in la sameeyo wax cusub.

โ€œDad badan ayaa si xaqnimo ah isu waydiiyay sababta aan ugu furnay adeegga โ€œHubinta Bed-qabkaโ€ Paris, laakin aanan ugu sameynin Bambaanooyinkii ka dhacay Bayruut iyo meelo kaleโ€ ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray Mark Zuckerberg oo ah ninka iska leh shirkaddan.
โ€œShalay (Jimcihii) ka hor, siyaasaddeenu waxay ahayd kaliya in masiibooyinka dabiiciga ah loo abuuro adeegga โ€œHubinta Bed-Qabkaโ€ Waan beddelnay arrintaas waxaana qorsheyneynaa inaan sidoo kale u furno adeeggan Hubinta Bed-Qabbka musiibooyinka baniโ€™aadamnimo marka ay dhacaanโ€.
โ€œWaa mahadsan yahay qof kasta oo suโ€™aalahaan iyo walaaca arrintaan na soo gaarsiiyay. Waad saxsan tihiin oo waxaa jira isku-dhacyo kale oo badan oo muhiim ah oo dinida ka dhacaโ€..
โ€œ Waxaan uga fekernaa dadka si isku mid ah, waxaana si adag uga shaqeyn doonnaa inaan caawinno dadka dhibateysan ee ku sugan xaaladaha kala duwan inta aan awoodnoโ€. Ayuu sii raaciyay.

Check Safety

Adeeggan ayaa u shaqeeya inuu wargelinno u diro dadka isticmaala Facebook ee loo maleynayo inay joogtaan goobaha ay wax ka dhaceen, wuxuu adeeggu dadka weydiinayaa inay bed-qabaan. Isticmaaleyaasha Facebook ayaa dooran kara inay bed-qabaan, fariintas oo la gaarsiin doono saaxibadoodda Facebook iyo dadka kale ee isticmaalaha bartaan.

โ€œWaxaan doorannay inaan ka shaqeysiinno adeegga โ€œHubinta Bed-Qadbkaโ€ markii ay dhaceen weerarradii Paris. Maxaayeelay waxaan wajahnay dhaqdhaqaaqyo badan oo ka socday Facebook, kuwaasi oo ku saabsanaa dhacdada oo aan waxbadan laga heyninโ€ ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka shirkadda, Alex Schultz.
โ€œMarka lagu guda jiro xaalad adag oo aan caddeyn oo saameyneysa dad badan, Facebook wuxuu noqonayaa meel ay dadku isku dhafsadaan warbixinno, ayna ka raadiyaan si ay u fahmaan xaafadda dadka ay jecel yihiinโ€ ayuu sii raaciyay.
โ€œHowl-gelinta adeeggani (Hubinta Bed-Qadka) waxay beddeli doontaa siyaasaddeenii iyo marka aan dadka u furi doonno ee ay jiraan arrimo xanuun badan ee mustaqbalka ahโ€.
โ€œWax badan ayaan ka baran doonnaa aragtida dadka eek a timid furitaanka adeeggan, waana sii wadi doonnaa inaan hal-abuurno sida aan dadka u caawin karno isla markaana uga taageeri karnowaxyaabaha ay ka fekerayaan annagoo u mareyna warbiixntooda Facebook, Sida aan u sameynaba xaaladda Pariisโ€. Ayuu yiri Alex Schultz oo ah madaxweyne ku xigeenka shirkadda Facebook.
Previous Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Caalamiga Ah Ee Dubai Ka Socda โ€œSawirroโ€

Next Post
Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Caalamiga Ah Ee Dubai Ka Socda โ€œSawirroโ€

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Ka Jeediyay Shirka Caalamiga Ah Ee Dubai Ka Socda โ€œSawirroโ€

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

Guddiga Arrimaha Bulshada Aqalka Sare oo Xog-wareysi la yeeshay Wasiirka Dhallinyarada

September 15, 2026
0

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Baniโ€™aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xafiiskooda ugu...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐–๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ฎ ๐๐š๐ฅ๐ฅ๐š๐ง๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ ๐Š๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ž ๐Š๐š ๐†๐š๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐“๐š๐ซ๐ญ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ซโ€™๐š๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‚๐š๐š๐ฅ๐š๐ฆ๐ข ๐š๐ก

September 15, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiska ku qaabilay saddexda ardey ee kaalimaha hore ka...

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

Kormeerka Adeegyada Caafimaadka iyo Biyaha ee Wisil

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug Cabdullaahi Maxamed Daahir oo ay wehliyaan Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Daahir Faarax Fiidoow...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In