Wednesday, November 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

3 askari ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray rag hubeysan oo ka dhacay Dalka Ruushka

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
3 years ago
in Wararka
0
3 askari ayaa lagu dilay iska horimaad dhexmaray rag hubeysan oo ka dhacay Dalka Ruushka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakaaladaha wararka ee Ruushka ayaa maanta oo Khamiis ah soo wariyay in 3 boolis ah lagu dilay 8 kalana lagu dhaawacay rasaas ay isweydaarsadeen rag hubeysan oo ka dhacay Jamhuuriyadda Ingushetia ee gobolka Caucasus ee Ruushka.

Hay’adaha “RIA Novosti” iyo “Interfax”, oo soo xiganaya ilo bilayska, ayaa sheegay in rasaas la isweydaarsaday fiidnimadii Arbacada “intii lagu jiray hawlgal ka dhan ah argagixisada” ee gobolka Malgobek.

Related posts

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka uu bilowday kadib markii koox tuugo ah ay gabaad ka dhigteen guri ku yaal mee baadiyo ah oo ku yaala Zyazikov-Yurt kadibna ay rasaas ku fureen booliska.

Hawlgalka ayaa bilowday ka dib markii rag hubeysan ay weerareen, dhamaadkii bishii March, saldhig booliis oo ku yaala xuduudka u dhexeeya Ingushetia iyo North Ossetia, oo dhaawacay sarkaal bilays ah, sida ay sheegtay wakaaladda RIA Novosti.

Jamhuuriyadda Ingushetia ee Ruushka waxa ay ku taallaa gobolka Caucasus, iyadoona xigta Chechnya, waxana xilliyada qaar ka dhaca weeraro soo noq-noqonda.

Previous Post

Sacuudiga iyo Iiraan oo ku heshiiyay dib u furista safaaradaha labada Dal

Next Post

Guddoomiyeyaasha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta la dhaariyay

Next Post
Guddoomiyeyaasha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta la dhaariyay

Guddoomiyeyaasha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta la dhaariyay

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

Waxaa maalintii seddexaad galay shirweynahan Culimada Soomaaliyeed. 

November 26, 2025
0

Shirweynahan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, ayaa maanta diiradda lagu saaray dood cilmiyeedyo kala...

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

Wasiirka Warfaafinta oo Qaahira uga qeyb-galaya Shirka 55-aad ee Wasiirrada Warfaafinta Carabta.

November 26, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada...

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

War-murtiyeed laga soo soo-sooray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka.

November 26, 2025
0

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray Shirweynaha Labaad ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka, kaas oo maanta si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay...

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

Wasiirka Qoyska XFS oo Muqdisho ka daahfurtay Ololaha 16-ka maalmood ah ee la dagaallanka tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka.

November 26, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furtay ololaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In