Doorashada Xubnaha Golaha Shacabka gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda Gobollada Waqooyi oo maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa lagu doortay ilaa iyo saddex Xildhibaan kuwaas oo kala ah.
1 Xildhibaan Saynab Maxamed Caamir waxa ay heshay 48 cod iyadoo ka guuleystay Seynab Axmed Boqorre oo heshay saddex cod.
2 Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa waxa uu helay 50 cod isagoo ka Guuleystay Maxamed Iidle Kheyre oo helay hal cod.
3 Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Kaamil waxa uu helay 51 cod Isagoo ka guuleystay Jabriil Sacad Muuse.
Tirada Xubnaha golaha Shacabka ee ka soo gelayo Gobollada waqooyi waxaa haray hal mudane, halka Golaha Baarlamaanka Aqalka sarana ay ka dhiman yihiin labo mudane, iyadoo la filayo in dhawaan la soo dhameystiro.