Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

3,000 oo askari oo dheeraad ah oo lagu kordhin doono caasimadda

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
3,000 oo askari oo dheeraad ah oo lagu kordhin doono caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan amniga magaalada Muqdisho ku saabsan oo ay ka qeybgaleen, Wasiir amniga, duqa Muqdisho, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, laamaha ammaanka gobolka iyo guddiga wacyelinta iyo abaabulka kaas oo lagu go’aamiyay in 3,000 oo askari oo booliis ah lagu kordhiyo amniga magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale, lagu soo bandhigay qorshaha ammaanka caasimadda, waxaana qorshaha ka mid ah xoojinta wada shaqeynta ciidanka amniga iyo shacabka gobolka Banaadir kaas oo lafdhabar u ah xaqiijinta nabad geliyada Muqdisho.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in amniga caasimadda aan sadex kun oo askar aan wax ka qaban karin haddii aan la bedelin qaabkii horey amniga caasimadda looga shaqeyn jirey.

“3,000 ciidan keli ah ma sugi karto amniga haddii aan qaabkii hore loo shaqeyn jirey aan wax laga bedelin, waxaan aamninsanahay in haddii qaabkii hore wax laga bedelo amniga waa la sugi karaa,” ayuu yiri Tuulax.

Duqa Muqdisho, C/raxaam Cumar Cismaan, ayaa maamulada degmooyinka ku adkeeyay in ay wada shaqeynta amniga ka soo bilaabaan qeybaha bulshada ee degmooyinka.

“Isbuucii waxaan rabnaa in guddoomiyaha degmada oo la fadhiisto taliyaha saldhiga iyo mas’uuliyiinta kale lagana hadlay maxaa loo qabsoomay, waxaa naga khaldamay, waxaa qorshe ah oo noo yaalo intaas todobaad kasta laga hadlo,” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha degmada haddii uusan wada shaqeyn dhab ah la yeelan uusan amni sugi karin.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in amniga caasimadda aan cidna lagala gorgotami doonin isla markaana isla xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

“Laga bilaabo beri uu isla xisaabtan dhici doono, maamulka gobolka, booliiska federaalka, wasaaradda amniga in aan wax kasta la nimaadno, lana sameyn doono kormeer joogto ah,”.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in todobaad kasta uu jiri doono kulan amniga caasimadda looga hadlayo.

Previous Post

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post

Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Next Post
Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In