Thursday, December 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

3,000 oo askari oo dheeraad ah oo lagu kordhin doono caasimadda

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
3,000 oo askari oo dheeraad ah oo lagu kordhin doono caasimadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan amniga magaalada Muqdisho ku saabsan oo ay ka qeybgaleen, Wasiir amniga, duqa Muqdisho, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, laamaha ammaanka gobolka iyo guddiga wacyelinta iyo abaabulka kaas oo lagu go’aamiyay in 3,000 oo askari oo booliis ah lagu kordhiyo amniga magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa sidoo kale, lagu soo bandhigay qorshaha ammaanka caasimadda, waxaana qorshaha ka mid ah xoojinta wada shaqeynta ciidanka amniga iyo shacabka gobolka Banaadir kaas oo lafdhabar u ah xaqiijinta nabad geliyada Muqdisho.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Tuulax ayaa sheegay in amniga caasimadda aan sadex kun oo askar aan wax ka qaban karin haddii aan la bedelin qaabkii horey amniga caasimadda looga shaqeyn jirey.

“3,000 ciidan keli ah ma sugi karto amniga haddii aan qaabkii hore loo shaqeyn jirey aan wax laga bedelin, waxaan aamninsanahay in haddii qaabkii hore wax laga bedelo amniga waa la sugi karaa,” ayuu yiri Tuulax.

Duqa Muqdisho, C/raxaam Cumar Cismaan, ayaa maamulada degmooyinka ku adkeeyay in ay wada shaqeynta amniga ka soo bilaabaan qeybaha bulshada ee degmooyinka.

“Isbuucii waxaan rabnaa in guddoomiyaha degmada oo la fadhiisto taliyaha saldhiga iyo mas’uuliyiinta kale lagana hadlay maxaa loo qabsoomay, waxaa naga khaldamay, waxaa qorshe ah oo noo yaalo intaas todobaad kasta laga hadlo,” ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaas ku daray in guddoomiyaha degmada haddii uusan wada shaqeyn dhab ah la yeelan uusan amni sugi karin.

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abukar Islow Ducaale, ayaa sheegay in amniga caasimadda aan cidna lagala gorgotami doonin isla markaana isla xisaabtan dhab ah uu jiri doono.

“Laga bilaabo beri uu isla xisaabtan dhici doono, maamulka gobolka, booliiska federaalka, wasaaradda amniga in aan wax kasta la nimaadno, lana sameyn doono kormeer joogto ah,”.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in todobaad kasta uu jiri doono kulan amniga caasimadda looga hadlayo.

Previous Post

Wasiirka Amniga iyo Maamulka Gobolka oo ka wada hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post

Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Next Post
Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Golaha shacabka oo ka doodi doona Nakhshadeynta magaalooyinka

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

December 18, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta tababar usoo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

December 18, 2025
0

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay doorashooyinka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

December 18, 2025
0

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka gawaarida gaashaaman ee MU ayaa howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

December 18, 2025
0

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay Warbixinta Waxqabadka Sannadka 2025, iyadoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In