Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

33 Sargaal oo Tababar loo soo xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada muqdisho gaar ahaan xerada tababarada ciidanka ee Jasiira.

tababarkaan oo socday muddo saddex iyo toban cisho ah ayaa ciidanka xoogga waxaa lagu barayey howllo la xiriira shaqadooda ,6 Usbuuc ayaa ciidanka qaar waxa ay qaateen koorso la xiriirta gargaarka deg dega ah, halka todobaadna  ay qeyb kale oo ciidamada xoogga ay qateen habka goobta dagaalka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Munaasabadii tababarka loogu soo xiray saraakiishan ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka xoogga , AMISOM iyo saraakiisha qeybaha hoggaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray oo gaarayey 33 sargaal  ayaa waxaa ay si dhuulo tus ah u soo bandhigeen qaar kamid ah waxyaabihii ay ku barteen Koorsooyinkan ay qaateen muddada tababarka uu u socday.

Brigadier General Massimo Mingiardi Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub 1,200 oo askari ay Soomaaliya u tababareen sanadkan sii dhamaanaya, isagoo sidoo kale balan qaaday in sanadka soo socoda ay qalabeyn doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadanayaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga, waxaana uu saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay in ay ka faa’ideeystaan xirfadihii ay barteen

Intaas ka dib waxaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha qeybaha Hoggaanada Ciidanka xoogga ay u soo dhaqaaqeen dhanka Xerada Afasiyoone oo ah saldhigga Ciidanka cirka oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, halkaas oo ay ku taalo xerada 59aad gaadiidka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, waxaana ku soo dhoweeyay saraakiisha xeradaasi, iyadoo ay ku diyaarsanaayeen 150 askari oo la barayo farsamada gaadiidka iyo kaxeyntooda.

Janaraal C/qaadir Macalin Nuur Abaanduulaha Hoggaanka Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha dib u soo nooleynta xerada gaadiidka 59aad ee Ciidanka Xoogga dalka taas oo hadda dib loo soo nooleeyay tababarna uu hadda ka socdo.

Previous Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Next Post

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Next Post

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In