Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca Soomaaliya”Waxaan xoojinaynaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca Soomaaliya”Waxaan xoojinaynaa howlgalada  ka dhanka ah Argagixisada+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/rashiid C/llaahi Maxamed, ayaa sheegay in ay wadaan qorshayaal ku aadan sidii loo xoojin lahaa dagalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socoda dalka,isagoo xusay in si taasi loo gaaro la tayayn doono Ciidamada Xoogga Dalka lana qalabayn doono.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada loo diyaarinayo sidii ay Amisom ugala wareegi lahaayeen guud ahaan Ammaanka Dalka,taasi oo haatan qorsheheeda uu socdo.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Hadalka wasiirka ayaa ka dambeeyey kadib Kulamo uu magaalada Baydhabo kula yeeshey mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed iyo saraakiil ka tirsan Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka ayaa ugu horeyn kulamo la yeeshey ku simaha madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan arrimaha Amniga iyo howlgalada ka socoda deegaanadaasi.

Wuxuu sidoo kale kor meer ku tagay xarunta Taliska qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka,halkaasi oo warbixino uu kga dhageystay saraakiisha taliskaasi oo uu hogaaminayo Janaraal Ibraahim Yarow.

“Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo booqdo qeybtan 60-aad, safarkan wuxuu qeyb ka yahay qorshe aan wadno ka wasaarad ahaan iyo ka dowlad ahaanba oo ah u kuurgalka,baahiyaha ciidamada iyo tayeyntooda iyo in la dardargeliyo howlgalada socda si ay ammaanka Dalka ula wareegaan,waxaan sidoo kale noo qorsheysan in aan booqano qeybaha kale sida,21-aad 12-aad iyo 43aad intuba”, Ayuu yiri Wasirka Difaaca.

Wasiirka iyo wefdigisa ayaa shalay gelinkii dambe gaarey magaalada Baydhabo,halkaasi oo lagu soo dhaweeyey.

Previous Post

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed oo Gaalkacyo kula kulmay saraakiil Amni

Next Post

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray degmada Balad-Xaawo

Next Post
Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray degmada Balad-Xaawo

Maleeshiyada Al shabaab oo laga saaray degmada Balad-Xaawo

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In