Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay bilaabayaan howlgallo lagu sifeynayo Al-shabaab.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay bilaabayaan howlgallo lagu sifeynayo Al-shabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar shaqo ku joogo Gobolka Gedo ayaa gaaray Magaalada Beled-Xaawo,isagoo booqday Xero Ciidan oo ay Ciidamada Darawiishta Jubbaland ku leeyahiin duleedka Magaalada Beled-Xaawo,halkaas oo dhawaan ay weerar ku qaadeen Kooxda Al-Shabaab.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ay wehelinayaan Saraakiil sare oo katirsan Jubbaland iyo xubno labada gole ka socda waxaa ay soo kormeereen xerada oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland, iyadoo uu Khudbad dhiiro gelin ah u jeediyay Askarta.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Mudane Axmed Madoobe wuxuu ku amaanay sida ay dhabar adayga ku dayashada mudan u muujiyeen Ciidamada qalabka sida oo maalmo ka hor iska caabiyay weerar ay ku qaadeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay dhibaatada ka jirta wadanka,ayuu sheegay Madaxweynaha Jubbaland, in Jubbaland looga baahan yahay isku tashi dhinaca amaanka ah iyo in ay sida ugu dhaw u bilaabanayaan hawlgalada Al-Shabaab lagaga xoraynayo meelaha ay  gobolka kaga sugan yihiin.

“Caasimadii Jubbaland waxaa ay wali ku jirtaa gacanta cadawga waxaa hubaal ah in Ciidanka ay tahay in ay halkaas tagaan oo ay xoreeyaan waa idinka Jarmal miyuu cirka inooga soo daadan waa maya” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Al-Shabaab ayuu sheegay in ay jabeen islamarkaana loo baahanyahay oo kaliya in la is raaciyo firxad kooda.

“Al-Shabaab maanta inagaa Dowlad ahaana ka xoog badan Mustaqbal ahaana idinkaa ka sharaf badan oo ka niyad wanaagsan” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Ciidamadii ka qayb qaatay dagaalkii Al-Shabaab lagu jabiyay ayuu sheegay in la abaal marinayo oo ay helayaan si joogta ah xuquuqda ay leeyahiin loogana baahan yahay in ay ka qayb qaatan hawlgalada la isugu furayo deegaanka.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in uu wakhti badan galin doono isku dubaridka Ciidamada inta uu Gobolka joogo isla markana wax badan oo wanaagsan ay qaban doonan.  

Previous Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo tababar u furey askar katirsan qeybta 21-aad ee X.D+Sawirro

Next Post

Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Maamulka Degmada Heliwaa oo qabtay barnaamij muhiim u ah bulshada “SAWIRRO”

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In