Monday, May 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

44 Guuradii ka soo wareegtay Maalinta Warfaafinta (Qeybtii 2-aad)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
44 Guuradii ka soo wareegtay Maalinta Warfaafinta (Qeybtii 2-aad)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qormada Maanta waxaan kaga hadlaynaa Marxaladdii (3-aad) ee Xilligii Dawladdii Militariga ee 1969 ilaa iyo 1990 kii.

Taariikhda Saxaafadda waxay xilligaasi ku soo beegantay Maamul-millitari, waxaana ugu horreyntii la joojiyay Xorriyaddii hadalka, sidoo kalana waxaa la xiray qeybihii Saxaafadda gaarka ahaa, inta aan ka aheyn Wargeysyada faafiya siyaasadda Kacaanka iyo labada Idaacadood ee Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa oo horayba Dawladdu gacanta ugu haysay.

Related posts

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026

In kastoo Dawladdii Militariga xirtay dhammaan Saxaafaddii gaarka ahayd, hadana waxaa guul weyn u aheyd taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed, waayo waxa ay hirgalisay:-

1. Hirgalintii qoraalka Farta Soomaaliga 21-kii Janaayo 1973-kii, waana markii ugu horreysay ee uu soo baxay Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, loona aqoonsaday inay noqoto maalinta Saxaaafadda Soomaaliyeed.
2. Abuuridda Machadka Tababarka Saxaafadda 1976-kii.
3. Dhidmihii Kulliyadda Saxaafadda 1980-kii.
4. Furitaanka TV-ga Qaranka Soomaaliyeed 1983-kii.

Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa fure u ahaa qoritaankii Farta Soomaaliga, taasoo dhaxalsiisay inay noqoto mid ay ka faa’ideystaan Dadka Soomaaliyeed oo dhan Miyi iyo Magaalaba, oo markii hore ku ekaa dhageysiga Idaacadaha, kuwaasi oo bartay akhriska iyo qorista intaba, tanina waa guul u soo hoyatay Saxaafadda Soomaaliyed iyo shacabkaba.

Marxaladdii (4-aad). Bur-burkii Dawladdii dhexe kadib.

Xilligaasi waxay Saxaafadda Soomaaliyeed ku soo beegantay waqti aan Dawlad dhexe oo xooggan aysan Dalka ka jirin, waxay ku soo beegantay Qaran bur-buray iyo Bulsho Bahaloowday oo aan kala gar qaadanayn, eed joogta ah oo la xariirta qoraalada shalay iyo manta, qoraaladooda oo ay markasta macaamiishu dhaliilsan yihiin.

Dhinaca lale waxay Saxaafaddu la soo kulmeen adeegsiga farsamooyin casri ah ee loo adeegsado Saxasafadda, taasoo ay nasiib u yeesheen inay si fudud uga faaideystaan farsamadaasi, waxase jirta in howlaha Saxaafaddu ay tahay arrin u baahan xeelad iyo xirfad aqoon Saxaafadeed, dhaliishu ma reebana balse dhib abuurista ayaa ka daran dhaliil yar oo laga indho qabsan karo oo si kam ah ama aqoon darro ku dhacday, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Saxaafaddu ka shaqeyso horumarinta danaha guud ee Dalka iyo Bulshada, oo dan gaar ah ka leexin danihii guud ee Dalka iyo Dadkaba.

Marxaladaan Saxaafadda Soomaaliyeed way ka baxday farsamo ahaan iyo tiro ahaan, waxaa abuurmay Wargeysyo farabadan, Idaacado iyo T.V-yo Madax banana oo gaar loo leeyahay, balse waxay dhibtu ka jirtaa xagga tayada aqoonta Suxufiyiinta Da’da yar oo hadda Saxaafadda ku soo biiray oo aan laheyn khibrad Xirfadeed Saxaafadeed oo sax ah laakiin ay niyad ka tahay howshooda iyo horumarinta Dalkooda iyo Dadkooda, waxay u baahan yihiin rag khibrad Saxaafadeed leh oo deggan wax u bara oo had iyo jeer ku dhex jira, si loo helo Saxaafad u adeegta danta guud ee Bulshada Soomaaliyeed ee Maanta.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya
Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa munaasabadda maalinta Saxaafadda
Soomaaliyeed aawadeed hambalyo u diray bahda saxaafadda Soomaaliyeed oo
dhan.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Waxaan saxafiyiinta Soomaaliyeed ugu
hambalyeynayaa maalinta saxaafadda oo ku beegay 21 Junuary. Maanta oo kale
44 sano ka hor ayay ahayd markii uu soo baxay wargeyskii ugu horreeyay ee
Af-soomaali lagu daabaco”

Wasiirka ayaa tacsi u diray eheladii ay ka geeryoodeen 3 saxafi oo
sanadkii tagay ee 2016, kooxaha nabad diidka ahi ku dileen Muqidhsho iyo
Gaalkacyo.

“Waxaan Eebbe ka baryeynaa in uu u naxariisto wariyeyayaashii Soomaaliyeed
ee iyagoo bulshadooda u adeegaya ay kooxaha xag-jirka ahi dileen, waxaan
tacsi u direynaa eheladii ay ka bexeen” ayuu hadalkiisa sii raaciyay
wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirka ayaa tilmaamay in hoos u dhac uu ku yimid saxaafadda daabacan ee
guud ahaan dalka, isagoo sheegay in ay dowladdu waddo qorsheyaal lagu
xoojinayo saxaafadda daabacan si kor loogu qaado awoodda qoraal iyo akhris
ee bulshadeenna.

W.D. Dr: Maxamed Isaaq Mursal

Previous Post

Madaxweynihii Gambia Yaxya Jammeh oo si nabadgelyo ah uga baxay dalkiisa

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Aqalka Sare

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo hambalyo u diray guddoonka cusub ee Aqalka Sare

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

May 24, 2026
0

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare ah u soo agaasintay xuska Maalinta Afrika (African Day), oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In