Tuesday, May 24, 2022
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Marka oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

April 9, 2022
in Barnaamijyada, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Marka oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dexe iyo Shabeelaha Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya

Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Marka  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022

Jowhar

Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, Ma jirin hal su’aal ah oo ay ka jawaabeen oo waxa ay qaldeen dhamaan 7-dii su’aal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Marka,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay Labo (2) dhibcood.

Marka

Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, iyagoo iska qalday Hal su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay Jowhar, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda Jowhar, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo aqoonta ay ku tartameen.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 9-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Boondheere iyo Buur-Hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay.

Sawir qaade:- Sakariye Shiddo

Previous Post

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Next Post

Maleeshiyaad Ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Mudug.

Next Post
Maleeshiyaad Ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Mudug.

Maleeshiyaad Ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay masuuliyiin ka tirsan Hay’adda naafada Qaranka “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa Muqdisho ku qaabilay mas’uuliyiin ka...

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

Wasiirka Gargaarka oo kormeertay dhismaha qeybo cusub oo lagu soo kordhinayo Wasaaradda “SAWIRRO”

May 24, 2022
0

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya marwo,  Khadiija Maxamed Diiriye oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud, Axmed Abuukar Axmed,...

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

Guddoonka Golaha Shacabka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Taliye Xijaar

May 24, 2022
0

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shahaado Sharaf Guddoonsiiyay Guddoomiyihii guddiga Amniga Doorashooyinka ahna Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ergayga abaaraha u magacaabay Xildhibaan CC Shakuur

May 24, 2022
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Ergeyga Gaarka ah ee u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In