Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaan Sacdiyo oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad halka Abshirow loo doortay G.Ku-xigaanka 2aad BFS

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Xildhibaan Sacdiyo oo loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad halka Abshirow loo doortay G.Ku-xigaanka 2aad BFS
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan adag oo wareegga 2aad ah ayaa waxa u dhexeeyay Xildhibaananda kala ah Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano nuug, kuwaasi oo u soo gudbay wareegga 2aad.

Wareeggan oo sida sharciga uu qabo lagu kala baxayay cod hal dheeri ah ayaa waxaa ku guuleysatay kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo heshay 137, halka Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug, uu isna helay 107.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu aqbalay doorashada caawa lagaga guuleystay, uun diyaar u yahay in uu la shaqeyn doono Guddoonka cusub.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo ugu horeyn u mahadcelisay Xildhibaannada u codeysay iyo kuwa aan u codeen inay si siman ula shaqeyn doonto, ayna diyaar u tahay inay si hufan u gudato waajibaadka loo igmaday.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxa ay noqoneysaa gabadhii ugu horeysay ee qabato xilkan.

Wareeggii 1aad ee tartanka oo ay ku loolameen ilaa iyo 10 musharax ayaa waxaa wreega labaad isugu soo hartay ilaa iyo saddex, balse hal Xildhibaan ayaa tunaasulay sidaas ayayna labada Xildhibaan isugu so hareen Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano Nuug .

Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka oo ay ku tartameen Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo XIldhibaan Mahad Cabdalla Cawad ย oo horey ugu fadiyay ayaa waxaa ku guuleystay, Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow oo helay 146 cod, halka Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad uu isna helay 90 cod.

Xildhibaan Mahad Cabdalla Cawad oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay hanaanka ay u dhacday doorashada, uuna diyaar u yahay inuu la shaqeynayo guddoonka cusub.

Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha shacabka ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay masโ€™uuiliyadda loo doortay, uuna diyaar u yahay in codka Xildhibaannada uu ku shaqeyn doono, ayna ka shaqeyn doonaan dhismaha Madaxweynaha Dalka.

Xalay waxaa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya cod aqlabiyad leh ku guuleystay Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo helay 163 cod, waxaana sidaas ku dhamaystirantay Guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar
Xildhibaan Maxamed Cali Cumar Caano nuug,

Xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshirow
Xildhibaan Mahad Cabdala Cawad
Previous Post

Doorashada guddoomiye ku xigeennada golaha shacabka oo haatan socota

Next Post

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Next Post
Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub BFS

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐‰๐…๐’  ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In