Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), oo uu wehliyo Lataliye Sare ee Xalka Waara, ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiskiisa wafdi ka socday Hay’adda UNHCR oo uu hoggaaminayay Ergayga gaarka ah ee hay’adda UNHCR u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee Bariga Africa, Danjire Maxamed Cabdi Afeey oo uu wehliyo Wakiilka Hay’adda ee Soomaaliya, Mudane Magatte Guisse.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa dadka uu barakaca saameeyay iyo sida mashaariic hormarineed looga hirgelin lahaa deegaanada ay ka soo barakaceen si loogu fududeeyo in ay gaaraan nolol isku-filnaansho una helaan adeegyada aasaasiga si waafaqsan Istaraatiijiyadda Qaranka ee Xalka Waara.
Danjire Afeey ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta hogaanka Wasaaradda ay u fidiyeen asiga iyo wafdigiisa, waxa uuna ballan qaaday in dhankooda ay sii adkeyn doonaan xariirka ay la leeyihiin dowladda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Wasiir Beenebeene ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Hay’adda UNHCR taageeradda ay mar walbo la garab taagantahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah oo ay ka mid yihiin qaxootiga Soomaaliyeed ee ku kala baahsan adduunka dacaladiisa.