Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
2 years ago
in Wararka
0
58 sanno ka dib Soomaaliya maxay muhiim ugu tahay hirgalinta doorasho dadweyne?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta hirgalinta doorasho dadweyne oo Soomaaliya ugu dambeysay 58 sanno ka hor, taasi oo uu ku soo baxay Alle ha u naxariistee Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake oo la dilay sanadkii 15-kii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii.

Tan iyo xurnimadii Soomaaliya waxaa soo maray 9 Madaxweyne iyo 10 doorasho madaxweyne, waxaa doorasho dadweyne ku soo baxday laba madaxweyne, kuwaasi oo kala ah Aadan Cabdulle Cismaan iyo Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ahaa labadii Madaxweyne ee ugu horreeyey Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa dalka ka suuragashay in hoggaanka dalka uu ku yimaado doorasho ay dooranayeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo ay soo dooranayeen Odayaal dhaqameed.

Siyaasiyiin iyo dhallinyaro han siyaasadeed lahaa ayaa ku hungoobay qaabka doorasho ee dalka ka soo jirtay, kuwaasi oo xooggii, fursaddii, iyo aragtii u hayeen in ay uga soo muuqdaan xilalka ugu sarreeya dalka ay dhaafisay doorashada dadban, taasi oo dhaliil ay ka keeneen bulshada.

Soomaaliya oo ah dal dhaca geeska Afrika ayaa qeyb ka ah Bulshada Bariga Afrika, dalalkaan oo Soomaaliya xubin ka noqotay sanadkii hore ayaa dhammaantood waxaa ka dhacda doorasho dadweyne oo lagu soo doorta Golaha deegaanka, Xildhibaannada iyo Madaxweynaha.

Dalalka Kenya iyo Jabuuti oo ah laba dal oo daris wadaag la ah Soomaaliya, xornimadana qaatay markii ay Soomaaliya iska xorreysay gumeystihii Ingriiska iyo Talyaaniga kadib Β ayaa suura galiyey doorasho dadweyne, iyaga oo shacabka labadaas dal ay hoggaankooda ku soo doortay gacantooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan ahayn wax sahlan 58 sanno ka dib dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod, isaga oo xusay in muwaadinka Soomaaliyeed ay lama huraan u tahay in uu gacantiisa ku ciil baxo, uuna doorta qofka uu doonaya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in dalka ay ka dhaceyso Doorasho qof iyo cod ah, si Shacabku u doorto mas’uuliyiinta u adeegaya, isagoo Sheekh Aadan Madoobe uu tilmaamay in Baarlamaanka 11aad uu ku guuleystay ka gudubka caqabado badan oo horyaallay Soomaaliya sida Daynta cafinta, nidaaminta doorashooyinka iyoΒ  qodobo kale oo muhiim ah.

β€œDalalkii kala mid ka ahaa oo iyagana la burburay Soomaaliya ayaa laΒ  sheegaa in muddo saddex jeer ah ay marayaan doorashooyinka Dadweyne, taasina ay muujineyso sida ay isugu duubmayn Madaxda iyo Shacab laguna gaaray himiladaasi” sida uu hadalka u dhigay.

β€œBaarlamaanka 11aad Dalka isbaddel badan buu ku keenay oo Ummadda Soomaaliyeed u baahnayd, Shuruucdii caqabadaha ku ahaa ee caalamka nala tacaamulayay markasta na weydiisan jiray waan ka guuleysanay sidii aan uga gudbi laheyd alle mahadi, Dalalkii dagaalkeen la burburay waxa ay marayaan in saddex jeer ama afar jeer ayay Doorasho marayaan innagana meeshii ayaan taaganahay,” sida uu yiri Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna ku baaqay in laga qaybgalo doorashada Dadweyne ee Dalka ka dhaceysa, si Shacabka Soomaaliyeed ay u helaan fursad ay wax ku doortaan loogana gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo dhisay shantii dowlad ee sida xiriirka ah Usha isugu dhiibay.

Dadka qaar ayaa aaminsan in la joogo xilligii laga gudbi lahaa doorashada dadban, taasi oo hadda ifafaaladayda ay muuqato. Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada ayaa soo jeediyey in ay laga gudbo doorashadii dadbaneed, oo badankood sheegeen in ay dhibaato kala kulmeen, qaarkoodna ay xuseen in damacooda ay hor istaagayn Oday dhaqameed.

Hirgalinta doorasho qof iyo cod ah ayaa Soomaaliya u furi doonta baal cusub, waxa ayna soo xiri doonta Baalasha ay ku xardhanaayeen; Nin jeclaysiga, musuqmaasuqa, boobka kuraasta Xildhibaannada, iyo qilaafka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Madaxda.

Previous Post

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay madaxa bisha cas ee dalka Kuwait

Next Post

Hamas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux

Next Post
Hamas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux

Hamas oo sii deysay 3 maxaabiis iyo Israel oo laga sugayo 369 ruux

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In