Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

700 dhagax ayaa laga heley kelida nin Soomaali ah

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
700 dhagax ayaa laga heley kelida nin Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/raxmaan kana yimid magaalada Gaalkacyo ayaa caafimaad u tagay dalka India, dhakhaatiirta Isbitaal gaar loo leeyahay oo dalkaas ku yaala ayaa mid kamid ah keliyaha C/raxmaan waxaa ay ka soo saareen 700 oo dhagxaan yaryar ah.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ninkan uu la daalaadhacayay cudur ay dhif iyo naadir tahay in la arko qof qaba maadaama keliyahiisa ay dhagxaan quruurax ah ay soo saaraan.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

C/raxmaan, ayaa dhakhaatiirta u sheegay in muddo sanado ah uu hayay xanuunka keliyaha isla markaana uu tagay mid kamid ah Isbitaalada magaalada Gaalkacyo loona sheegay in keliyahiisa ay ku jiraan dhagxaan yaryar iyo kuwo waa weyn oo aad u tiro badan.

Warkan oo lagu daabacay THE HINDU ayaa waxa ay sheegeen in ninkan muddo sideed bilood ka hor lagaga sameeyay qaliin kelida bidix lagana soo saaray sadex dhagax oo waa weyn, hase ahaatee qaliinkaas kadib caabuq kale ku yimid kaas oo ku faafay kelida midig

“Tani waa sida xaalkiisu ahaa markii uu noo imaanayay. Kelidiisa bidix ayaa xanuuneysay wax qaliin furan ah laguma sameyn karin. Xaaladiisa ayaa dejinay ka hor inta aan loo diyaarinin qaliinka loo yaqaano (endoscopic surgery) ama qaliinka leysarka oo looga sameeyay kelida dhanka midig,” sidaas waxaa sheegay Dr. V. Surya Prakash kamid ah dhakhaatiirta Isbitaalka Virinchi , oo ah halka qaliinka C/raxmaan lagu fuliyay sadex maalin ka hor.

“Waxaan ku qiyaasnay in ka badan 700 quruurax ah. Ugu badnaan intii aan arki jirey waxay ahaayeen 100 ama  150,” ayuu yiri  Dr. Prakash.

Isbitaalka Virinchi, ayaa baaritaano ku sameyn doona dhagxaantan waxa ay ka sameysan yihiin iyo sida ay ku haleeleen, waxayna sheegeen dhakhaatiirtu in ay arintan ay la xiriirto hiddo ahaan hase yeeshee C/raxmaan ayaa xusay in aysan jirin qof qoyskiisa ku saabsan oo dhacdadan  ama xanuunkan oo kale la kulmay

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo ka deyriyay Xaaladda Barkacayasha Gaalkacyo

Next Post

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Next Post
Wareegga koowaad ee codeynta doorashada oo la soo gabo gabeeyay

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In