Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

700 dhagax ayaa laga heley kelida nin Soomaali ah

admin by admin
July 29, 2017
in Wararka
0
700 dhagax ayaa laga heley kelida nin Soomaali ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Nin Soomaali ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/raxmaan kana yimid magaalada Gaalkacyo ayaa caafimaad u tagay dalka India, dhakhaatiirta Isbitaal gaar loo leeyahay oo dalkaas ku yaala ayaa mid kamid ah keliyaha C/raxmaan waxaa ay ka soo saareen 700 oo dhagxaan yaryar ah.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ninkan uu la daalaadhacayay cudur ay dhif iyo naadir tahay in la arko qof qaba maadaama keliyahiisa ay dhagxaan quruurax ah ay soo saaraan.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

C/raxmaan, ayaa dhakhaatiirta u sheegay in muddo sanado ah uu hayay xanuunka keliyaha isla markaana uu tagay mid kamid ah Isbitaalada magaalada Gaalkacyo loona sheegay in keliyahiisa ay ku jiraan dhagxaan yaryar iyo kuwo waa weyn oo aad u tiro badan.

Warkan oo lagu daabacay THE HINDU ayaa waxa ay sheegeen in ninkan muddo sideed bilood ka hor lagaga sameeyay qaliin kelida bidix lagana soo saaray sadex dhagax oo waa weyn, hase ahaatee qaliinkaas kadib caabuq kale ku yimid kaas oo ku faafay kelida midig

“Tani waa sida xaalkiisu ahaa markii uu noo imaanayay. Kelidiisa bidix ayaa xanuuneysay wax qaliin furan ah laguma sameyn karin. Xaaladiisa ayaa dejinay ka hor inta aan loo diyaarinin qaliinka loo yaqaano (endoscopic surgery) ama qaliinka leysarka oo looga sameeyay kelida dhanka midig,” sidaas waxaa sheegay Dr. V. Surya Prakash kamid ah dhakhaatiirta Isbitaalka Virinchi , oo ah halka qaliinka C/raxmaan lagu fuliyay sadex maalin ka hor.

“Waxaan ku qiyaasnay in ka badan 700 quruurax ah. Ugu badnaan intii aan arki jirey waxay ahaayeen 100 ama  150,” ayuu yiri  Dr. Prakash.

Isbitaalka Virinchi, ayaa baaritaano ku sameyn doona dhagxaantan waxa ay ka sameysan yihiin iyo sida ay ku haleeleen, waxayna sheegeen dhakhaatiirtu in ay arintan ay la xiriirto hiddo ahaan hase yeeshee C/raxmaan ayaa xusay in aysan jirin qof qoyskiisa ku saabsan oo dhacdadan  ama xanuunkan oo kale la kulmay

Previous Post

Duqa Gaalkacyo oo ka deyriyay Xaaladda Barkacayasha Gaalkacyo

Next Post

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Next Post
Wareegga koowaad ee codeynta doorashada oo la soo gabo gabeeyay

Golaha shacabka oo ka dooday dhismaha guddiga adeega garsoorka

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In