Thursday, July 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

8 Febraayo waa maalinta guusha Shacabka. (FAALLO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
8 Febraayo waa maalinta guusha Shacabka. (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaan ku lugeynayay Waddada hor marta Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxayna aheyd goor subax aroorye hore ah, aniga oo markaasi u socday goobteyda shaqada ayaa waxaa iga soo hor muuqday Tabeelle weyn oo uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaase ku kor qornaa halku dhig aad ii mashquuliyay kaasi oo ahaa 8-da Bisha Febraayo waa maalinta guusha Shacabka, waxaan is weydiiyay goormeey ka mid noqotay maalamaha Dalka laga xuso, waxaase markii dambe ii soo baxday inay aheyd maalintaasi markii Farmaaajo uu ku guuleystay Doorashadii Dalka ka dhacday.

Habeenkii la dooray iyo wixii ka dambeeyay waxaa bilowday dibad-baxyo aad loogu taageerayo Madaxeynaha la doortay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqday Madaxweynihii ugu taageerada badnaa Hogaamiyaashii Dalka soo maray kadib bur burkii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, balse dad badan ayaa isweydiinaya sababta uu Mudane Farmaajo ku helay taageerada shacabka Soomaaliyeed uuna u yahay hogaamiye guuleystay, taasi ayaa ah inuu aamisan yahay Soomaali mid ah oo dhinac walba raali isaga ah sida uu ku sheegay khudbad uu xilli hore jeediyay.

Related posts

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya aysan hogaamiye sax ah helin, haddii ay heshana ay noqon doonaan kuwa guuleysta.
“Hogaanka wanaagsan waxaa laga rabaa inuu cadaaladii dalka u horseedo”ayuu yiri Mudane Farmaajo oo saxaafada la hadlay xilli uu ku jiray olalahiisa Musharaxnimada, iyadoo intii uu R/wasaaraha Dalka ka ahaa waxa uu qaaday talaabooyin si aad ah u soo jiitay dareenka Shacabka Soomaaliyeed.

Maxaa keenay in dadku sidaasi u jeclaadaan?

Maxamed C/lahi Waxa uu xilka R/wasaaraha hayey muddo ku siman 6 bilood, waxaana uu noqday Masuul si weyn u kasbaday dareenka Shacabka iyadoona waxyaabaha ay dadku ku jeclaadeen ay ka mid tahay, inuu yahay ruux jecel Dalkiisa iyo Dadkiisa oo Muwaadin ah iyo Sidoo kale inuu yahay Hogaamiye aamin ah dadkana u cadaalad Sameeya, waxaa loo qaaday heeso badan oo ay ka mid tahay mid ay miraheeda ay ka mid yihiin Ummadan sanaado badan siliciyo dhib soomaray Adigay ku sugayaan ku sacabo tomayaane Maxweyneheenow soo dhawaaw.

Sidoo kale waxa ka mid ah wax yaabaha ay dadku ku jeclaadeen Mudane Farmaajo inuu mar waliba dhibta la qeybsado Dadkiisa iyo inuu yahay Hogaamiye neceb Musuq Maasuqa iyo ku takri falka Hantida Umadda iyo sidoo kale aad ugu danqabada inta taakta daran oo ay ka mid yihiin Haweenka iyo Caruurta, kuwaasi oo aad ugu badnaa inta ka qeybqaadaneysay dibad baxyadii socday, taasina waxay ka marqaati kacday markii uu ku guuleystay Tartanka Madaxweynaha ummadda Soomaaliyeed, waxaa dalka ka dhacay banaanbaxyo aad u waaweyn oo lagu soo dhaweynayay doorashadiisa, taasi ayaana kuu muujineysa sida uu ugu weyn yahay quluubta Shacabka Soomaaliyeed ee mudada dheer dagaalada ku soo jiray, waxaa kaloo aad in loo xuso ah waxaa is dhexgalay Shacabkii iyo Ciidamadii qalabka sida, waxaana la arkayay iyagoo gaari wada saaran, kuwaasi oo markii hore kala shaki ku kala jiray.

Tusaale waxaa ugu dambeeyay markii uu kulan la yeeshay Wiilkii Cabdullaahi Maxamuud Cusmaan (Daanyeeroow) oo kasoo jeeda Magaalada Jowhar, oo banan- baxyadii ka soo jeediayay hal heyskii ahaa (Ar Farmaajo ii geeya), ayaa loo geeyey Madaxweyne Farmaajo, ka dib markii uu codsaday in loo geeyo iyo Gabar iyana ka qeyb aheyd dibad- baxyadaasi ayaa sheegtay in banana-bax uu ugu dambeeyay kii ay ku taageereysay intii uu Raiisul-wasaaraha ka ahaa Dalka, taasi ayaa haddaba muujineysa in 8-da bisha Febraayo loo aqoonsado Maalinta guusha shacabka Soomaaliyeed.

W.Q:- C/laahi Ruush

Previous Post

Gen. Cadde Muuse oo maanta Boosaaso lagu aasayo

Next Post

La taliyihii dhinaca amniga ee Donald Trump oo is casilay

Next Post
La taliyihii dhinaca amniga ee Donald Trump oo is casilay

La taliyihii dhinaca amniga ee Donald Trump oo is casilay

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

Hay’adds SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan deegaannada Kabxanleey iyo Deefow

July 16, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta bulshada ku nool deegaannada Kabxanleey iyo Deefow ee hoostaga magaalada Beledweyne, xarunta...

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

Golaha Wasiirrada oo meel mariyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Habraaca Isku Xirka Farriimaha Dowladda ee Xilliyada Xaaladaha Degdegga ah ee...

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Madasha Horumarinta Suuqyada Xoolo-dhaqatada Afrika

July 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa magaalada Addis Ababa kaga qaybgalay Shirka Heer...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐮𝐠𝐭𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚

July 16, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In