Friday, September 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Haweenka Oo Sheegtay in Sharciga xakameynta gudniinka fircooniga Goordhow  la soo saari doono “Sawirro+MUUQAAL”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 1, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho , Isniin, December 01, 2014- Wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqul insaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan looga arrinsanayay siyaasadda ku aadan wax ka qabashada dhibaatada gudniinka firnoociga uu u leeyahay dumarka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay ku dhowaad 100 qof oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo wasaaradda ay dhegeysatay afkaarta ka soo qeybgalayaasha oo dhammaantood  isku raacay in gudniinka fircooniga uu dhibaato u leeyahay bulshada.

Related posts

Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

September 4, 2025
HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025

Wasiirka wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka soo qeyb gashay, ayaa ka sheekeysay qorshaha wasaaradda ee wax ka qabashada gudniina fircooniga, iyadoo sheegtay in heerka gudniinka fircooniga ee Soomaaliya lagu qiyaasay 98%,waxaana wasiirka ay xustay in haweenka loo guday gudniinka fircooniga da’dooda ay u dhaxaysay 15-49 sano jir.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya  ayaa sheegtay in kulankaan laga soo saari doono sharci xakameynta gudniinka fircooniga ah kaasi oo dhibaato ku ah Dumarka Soomaaliyeed,iyadoo sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay ka hortaga gudniinka fircooniga ah

Dhinaca kale, wasaaradda haweenka iyo horrumarinta xuquuqda aadanaha  ayaa  isla maanta Agaasimaha ololaha ciribtirka gudniinka fircooniga u magacowday Drs. Mina Xasan Maxamed oo horay u aheyd xiriiriyaha wasaaradda haweenka.

Kulanka ayaa socon doonna muddo 2 cisho ah, waxaana maalinta berri ah laga doodi doonnaa sidii loo dhamaystiri lahaa wax ka qabashada dhibaatada gudniinka fircooniga.

DSCN6025 DSCN6022 DSCN6005 DSCN5994 DSCN5949

Previous Post

Arday Deeq Waxbarasho Helay Oo Suudaan U amba baxay (DAAWO MUUQAAL)

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo Ee Radio Muqdisho

Wajiga 4aad ee  Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

Wajiga 4aad ee Mashruuca sugnaanta Cunnada oo laga daah-furay xarunta SoDMA

September 4, 2025
0

Waxaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) laga daah-furay Wajiga Afaraad ee Mashruuca Sugnaanta Cunnada, kaas oo...

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

HIQ iyo Sacuudiga oo ka wadahadlay iskaashi ku saabsan AI iyo tiknoolajiyadda hawada sare

September 4, 2025
0

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo ka qeybgalaya Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Taliyaha cusub ee AFRICOM 

September 4, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta qaabilay Taliyaha cusub ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal...

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

Yareynta caqabadaha heysta barakacayaasha oo laga wada hadlay

September 3, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Guriyeynta iyo Dib u Dhiska ayaa xarunteeda ku martigelisay kulan muhiim ah oo wada-tashi ah, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In