Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adaha ammaanka oo saddex Shabakadooda oo argagixiso bur-buriyey (Sawirro)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir deg deg oo caawa ka dhacay Muqdisho, ayaa looga hadlayey ammaanka dalka Soomaaliya iyadoo ay ka qeyb-galeen dhammaan hey’daha ammaanka Qaranka, AMISOM iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Nabad-Sugidda Qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaa shir guddoominayey Taliyaha ciidammada Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka General Cabdiraxmaan Maxamed Tuur-yare (Cumda), iyadoo ay  saraakiisha sarre AMISOM shirkaasi  ka soo qeyb-galay ay soo gudbiyeen war-bixinno amniga la xiriira , waxaana u jeedada shirka  uu  ahaa laba arrimood oo kala ah soo bandhiggidda howlagallo si  gaar ah ay ciidammada Nabad-Sugidda uga fuliyeen Muqdisho oo lagu dhabar  jabiyey Al-Shabaab iyo hadafka guud ee howlgallada xasilinta ee dalka ka socda.

Related posts

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026

Shirkaasi oo saacado badan qaatay kaddib, ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka la hadlay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka, Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan, waxa uu yiri “ shirkaan caawa ka dhacay Muqdisho, waxaa uu ahaa shir lagu soo bandhigay in hey’daha ammaanka Somalia ay burburiyeen saddex shabakadood oo argagagixisada ay shacabka ku dhibaateynayeen, seddexdaasi shabakad waa midda amniyaadka ee Al-Shabaab,  shabakadda gawaarida dadka lagu dilo oo laga hortagay lana burburiyey iyo weerarrada iyo Qaraxyada kuwa abaabula”.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale sheegay in hey’daha ammaanka ay ka hortageen weerarro ay damacsanayeen argagixisada  iyo qaraxyada ay soo maleegayeen Al-Shabaab.

Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa yiri “ Shacabka Soomaaliyeed waxaan u cadeyneynaa in Al-Shabaab awoodooda la bur-buriyey, isla markaana eysan suuragal aheyn in ay sameeyaan ficil argagixiso, waxaan gacan saar weyn la leenahay dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee  ku sugan gobollada dalka oo dhan, taasi ayaana keentay in lagu guuleysto wijiga koowaad ee howlgalka xasilinta dalka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shirar isdaba joog ah oo lagula xisaabtamayo laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xiriirka ay la leeyihiin degmooyinka iyo gobollada dalka maamullada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool si taageeradooda looga faa’ideysto kaddibna tallaabo looga qaado argagixisada Al-Shabaab.b a b c s

 

 

sa

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Next Post

Naxariista iyo Fudeydka Islaamka-DHAGAYSO

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay arrimo muhiim ah

January 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta oo jimce khadka taleefanka...

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey gobolka Bay

January 9, 2026
0

WAR-SAXAAFADEED   Ciidamada Gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay hawlgal qorshaysan oo beegsi ah...

Ciidanka NISA iyo kuwa Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay 4 dhagarqabe oo khawaarij ah

Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah

January 9, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday...

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In