Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Daawo Sawirada:-Cadaado Oo Horumar Ganacsi Laga Dareemayo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Cadaado ee xarunta Ximan iyo Xeeb ayaa sanadihii ugu dambeeyay samaysay hormar dhinaca ganacsiga ah, iyadoo magaalgashadayaal deegaanka ah iyo qurbajoogta oo ka faa’iidaysanaya Nabadgalyada ay sameeyeen ganacsiyo waawayn oo xitaa dad camal la’aan ah ay shaqo ka heleen.

Faarax Maxamed Axmed waa hawlwadeen ka tirsan Hotelka Central oo ka mid ah Hoteelada dhawaan la hirgaliyay ayaa sheegaya in magaaladu ay samaysay hormar ganacsi 5-tii sano ee la soo dhaafay, oo ay ka hirgaleen Warshado yaryar, Hoteelo iyo nuucyo kale oo ganacsi, isagoo intaa ku daray in ay shaqaalaysiiyeen ku dhawaad 50-Ruux oo horay shaqo la’aan u ahaa.
Ganacsiga kobcaya ee magaalada iyo nabadgalyada ayaa sidoo kale dhiirigalisay Qurbajoobta, kuwaas oo qaar kood ay deegaanka ku soo laabteen.
Axmed Maxamed Diirshe waxaa Cadaado ugu dambaysay 28-sano ka hor ayaa Radio Muqdisho u sheegay in go’aansaday in deegaankiisa uu ku soo laabto mudadaas dheer ka dib, si uu nolol cusub uga samaysto.
Cadaado waxa ay xeebta badwaynta India u jiraa 270-Km sidaas oo ay tahay waxaa si caadi ah looga cunaa Kaluunka.
Maxamed Aadan Bood oo  madax  ka ah shirkadda Danwadaag oo Kaluunka ka ganacsatada ayaa sheegay in markii ay qiimeeyeen baahida loo qabo Kaluunka ay xarumo ka furteen magaalooyinka Cadaado, Godinlabe iyo Ceel-huur si kaluunka loo gaarsiiyo.
Adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo kuwo kaleba ayaa ah lacag la’aan ama ku dhaw, inkastoo wali hormarin loo sii baahanyahay.

DSC00449 DSC1019187 DSC0119191 DSC019188 DSC09189 DSC09186 DSC09184 DSC08951 DSC00584 DSC00533 DSC00522 DSC00518 DSC00515 DSC00512 DSC00510 DSC00507 DSC00461 DSC00460 DSC00455 DSC00452 DSC00451 DSC00450

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo la kulmay dhigiisa Indosia”sawiro’

Next Post

War Deg Deg Ah:-Qaraxyo Lala Eegtay Maqaayad Ku Taal Beydhabo

Next Post

War Deg Deg Ah:-Qaraxyo Lala Eegtay Maqaayad Ku Taal Beydhabo

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In