Wednesday, June 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo Kan Jowhar oo la dhameystiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 7, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya ayaa dhamaystirtay xubnaha maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya, mudane Cali Saciid Xalane ayaa wareegtada dhamaystirka maamulka oo ka soo baxday Wasaaradda ka akhriyey kulan lagu soo bandhigay xubnaha loo magacaabay xilalka maamulka gobolka Shabeellaha dhexe iyo kan degmada Jowhar, kaddib markii ay maanta gaareen magaalo madaxda Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Jowhar.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025

Wareegtada oo soo baxday 22-11-2014-ka ayaa xilal heer gobol ah loogu magacaabay mas’uuliyiinta kala ah:

1-  Axmed Meyre Makaraan oo loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha siyaasadda iyo amniga.

2-    Cabdullaahi Yuusuf Calaf oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka maamulka iyo maaliyadda.

3-    Maxamuud Sugaal Cismaan oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo horumarinta.

4-    Sheekh Abuukar Xasan Cali oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha federaalka iyo dib-u-heshiisiinta iyo

5-    Yuusuf Nuur Xuseen oo loo magacaabay Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka.

Wareegtada ayaa waxaa kaloo lagu magacaabay mas’uuliyiinta maamulka degmada Jowhar, kuwaas oo kala ah:

1-    Maxamed Cali Muuddeey oo loo magacaabay guddoomiyaha degmada Jowhar.

2-    Xasan Barroow Bocor oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka degmada ee arrimaha bulshada iyo

3-    Xasan Goomey Calasoow oo loo magacaabay guddoomiye ku-xigenka degmada ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa soo dhaweeyay dhameystirka maamulka Gobolka iyo kan degmada.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay ku dadaalaan gudashada waajibaadkooda qaran ee loo igmaday.

 

 

Previous Post

Barcelona oo Espanyol Ka Badisay Kulankii Catalan derby “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeenimo ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ururrada Bulshada Rayidka ah

June 3, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka...

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa Shirweynaha Shaqaalaha Caalamiga ah ee ILO

June 3, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Ingiriiska

June 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Safiirka Cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u...

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay shabakad khawaarij ah

June 3, 2025
0

Cabdinaasir Maxamed Xasan, afgaradiisuna tahay Macallim Xaaji ayaa lagu eedeeyay in uu khawaarijta u sameyn jiray gaadiidka ay qaraxyada ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In