Tuesday, January 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

War-saxaafadeed Maamul wanaag iyo la dagaallanka Musuq maasuqa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa maanta War-saxaafadeed uu soo saaray lagu sheegay in maanta oo ku beegan maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka musuq maasuqa ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aqoonsanyihiin in xumaatada musuq maasuqa  uu wiiqo horumarka bulshada, dhaqaalaha iyo kan siyaasadda.

War-saxaafadeedka oo lagu xusay in iyada la tixgelinao ahmiyadda ay leedahay dhaqan maamul wanaagsan iyo Ummad ka nadiif ah dhamaan nuucyada Musuq maasuqa ayaa waxaa uu xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka waxa uu xoogga saarayaa saddex arrimood oo kala ah,

Related posts

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026

In wacyigeln loo soo sameeyo ardayda Jaamacadaha si ay uga qeyb qaataan arrimaha bulshada iyo dowlad wanaagga.

In Wacyigelin loo sameeyo shaqaalaha dowladda iyo bulshada rayidka ah si ay uga qeyb qaataan ka hortagga musuq maasuqa iyo

In la sameeyo wacyigelin dhanka Warbaahinta oo ku saabsan ka hortagga musuq maasuqa (Anti corruption campaigns).

Xafiiska Hanti dhawrka guud ee Qaranka ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta Qaranka iyo bulshada in ay xafiiska gacan ku siiyaan sidii loo ilaalin lahaa hantida Qaranka, isla markaana loo heli lahaa isla xisaabtan dhab ah.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Dr Nuur Faarax  ayaa looga codsaday guddoonka baarlamaanka iyo mudanayeyaashuba inay gacan ku siiyaan sidii loo horumarin lahaa nidaamka hanta dhowrka Qaranka iyo ka la dagaallanka musuq maasuqa.

“Ugu dambeyntii waxaa dhamaanteen nalaga doonayaa in aan ka shaqeyno sidii aan uga hortagi lahayn musuq maasuqa oo la sheegay in Soomaaliya ay uga jirto meel hoose, musuq maasuqu waxa uu horseedaa cadaallad darro, nabad gelyo la’aan iyo bur bur dhaqan dhaqaale oo baahsan, waxaana rajeyneynaa in sanadkan kiisa kale aan guul ka gaarno ka hortagga musuq maasuqa” ayaa Hanti dhawraha Qaranka ku yiri War-saxaafadeedkiisa.

 

Previous Post

Cisbitaalka Cadaado oo lagu soo kordhiyay qeyb cusub “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

Guddiga amniga iyo taakulaynta Hirshabeelle oo booqday deegaanka Jabad Godane.

January 20, 2026
0

Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta....

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay waxqabadkeedii 2025.

January 20, 2026
0

Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya intii lagu guda...

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

Madaxda Hay’adaha SoDMA iyo SPA oo yeeshay kulan mira-dhal ah

January 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta Hay’adda SoDMA kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda...

Somalia and Sudan Reaffirm Strong Bilateral Relations

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah

January 19, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In