Kulankan oo looga hadlayay sare u qaadidda waxbarashada Haweenka deegaanada Ximan iyo Xeeb oo maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Gurmad oo waxbarashada Hablaha u ololeeya, iyadoo kulanka ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan Ximan iyo Xeeb iyo bahda waxbarashada.
Maxamed Muxumad Cali (Jeexane) oo ka mid ah Ururkan Gurmad ayaa sheegay in tirada ardada waxbarata Gabdhuhu ay ka yihiin 12% deegaanada Ximan iyo Xeeb taas oo ah mid aad u yar, waxaana uu bahda waxbarashada iyo bulshadaba ugu baaqay inay ka qayb qaataan dadaalkan ay bilaabeen.
Wasiirka arrimaha bulshada Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo dhammaadkii kulanka ka hadlaya ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay arrintan din u eegis ku samaynayaan, si sara loogu qaado waxbarashada Gabdhaha.
Waxbarashada Haweenka deegaanada Ximan iyo Xeeb ayaa ah mid hoosaysa marka la barbardhigo Wiilasha, taas oo ah caqabad badanaa haysata gabdhaha Soomaaliyeed.