Monday, August 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

33 Sargaal oo Tababar loo soo xiray

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 17, 2014
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta tababar loogu soo xiray magaalada muqdisho gaar ahaan xerada tababarada ciidanka ee Jasiira.

tababarkaan oo socday muddo saddex iyo toban cisho ah ayaa ciidanka xoogga waxaa lagu barayey howllo la xiriira shaqadooda ,6 Usbuuc ayaa ciidanka qaar waxa ay qaateen koorso la xiriirta gargaarka deg dega ah, halka todobaadna ย ay qeyb kale oo ciidamada xoogga ay qateen habka goobta dagaalka.

Related posts

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

Munaasabadii tababarka loogu soo xiray saraakiishan ayaa waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, saraakiisha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka xoogga , AMISOM iyo saraakiisha qeybaha hoggaanada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha tababarka loo soo xiray oo gaarayey 33 sargaal ย ayaa waxaa ay si dhuulo tus ah u soo bandhigeen qaar kamid ah waxyaabihii ay ku barteen Koorsooyinkan ay qaateen muddada tababarka uu u socday.

Brigadier General Massimo Mingiardi Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarka Ciidanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub 1,200 oo askari ay Soomaaliya u tababareen sanadkan sii dhamaanaya, isagoo sidoo kale balan qaaday in sanadka soo socoda ay qalabeyn doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sareeyo Guuto Daahir Aadan Cilmi Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadanayaan tababarka iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga, waxaana uu saraakiisha tababarka dhameystay ku adkeeyay in ay ka faaโ€™ideeystaan xirfadihii ay barteen

Intaas ka dib waxaa Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiisha qeybaha Hoggaanada Ciidanka xoogga ay u soo dhaqaaqeen dhanka Xerada Afasiyoone oo ah saldhigga Ciidanka cirka oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, halkaas oo ay ku taalo xerada 59aad gaadiidka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, waxaana ku soo dhoweeyay saraakiisha xeradaasi, iyadoo ay ku diyaarsanaayeen 150 askari oo la barayo farsamada gaadiidka iyo kaxeyntooda.

Janaraal C/qaadir Macalin Nuur Abaanduulaha Hoggaanka Taakuleynta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay Taliyaha dib u soo nooleynta xerada gaadiidka 59aad ee Ciidanka Xoogga dalka taas oo hadda dib loo soo nooleeyay tababarna uu hadda ka socdo.

Previous Post

Ciidanka XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan degmada Xudur

Next Post

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Waddada Hanti Wadaag ee degmada Warta Nabadda oo dib u dhis lagu sameynayo โ€œSAWIRROโ€

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo lagu guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

August 18, 2025
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid...

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐จ๐จ ๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ค๐ฎ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐ž๐ฒ ๐–๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐ž๐ฒ ๐‡๐ž๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐‚๐ฎ๐ง๐ญ๐š๐๐š ๐€๐d๐ฎ๐ฎ๐ง๐ค๐š ๐že ๐–๐…๐

August 18, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka...

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In