Wednesday, February 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo soo gabo gabeeyay akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka guddiga xuduudaha

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa mudenayaasha baarlamaanka ka hor akhriyay warbixinta ku saabsan hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo Federaalka, kaasi oo ay mudanayaashu ay u ahayd akhrintii labaad, balse maanta la soo gabo gabeeyay akhrintiisa saddexaad, isagoo codsaday in hindise sharciyeedka la meel mariyo marka ay soo akhristaan si loo heli dowlad goboleedyo aan KMG ahayn.

Soo jeedinta warbixinta guddiga xuduudaha iyo federaalka ayaa mudanayaashii ka hadlay waxa ay soo jeediyeen talooyin dhowr ah oo ay sheegeen in ay u baahantahay in lagu darro, si looga fogaado in uu saameyn ku yeesho nidaamka hirgelinta Federaalka.

Related posts

Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore

Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore

February 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo ku baaqday xoojinta habraacyada amniga gaadiidka

February 25, 2026

Dhanka kale mudanayaasha Baarlamaanka ayaa maanta gudo galay akhritan koowaad ee Hindise sharciyeedka Iibka Qaranka, kaasi oo Baarlamaanka ay u soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda Qaranka.

Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa mudanayaasha baarlamaanka ka hor akhriyay muhiimadda uu hindise sharciyeedkan u leeyahay maalgeshiga dalka, isagoo ka codsaday in mudanayaasha Baarlamaanka ay soo akhristaan oo ilgaar ah ku eegaan meel marinta hindise sharciyeedkan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in maalinta Sabtida ay Xildhibaanada cod gelin doonaan Hindise sharciyeedka Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka.

“Maalinta Sabtida ah waa codeyn, marka codka la bixinayo Xildhibaanku codkiisa waxa qiimo weyn u yahay shacabka Soomaaliyeed, codka Halkii Xildhibaan waxa uu u dhigmaa 50-kun oo Soomaali ah, maalinta Axadda ah haloo yeero Wasiirka Amniga Qaranka iyo Agaasimaha hay’adda NISA” ayuu yiri prof Jawaari.

 

 

 

Previous Post

Qaban qaabada magacaabista Ra’iisul wasaaraha cusub oo ka socoto xarunta Madaxtooyada

Next Post

Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid “Sawirro”

Next Post

Madaxweyne Xasan oo Ra’iisul wasaare u magacaabay Cumar Cabdirashiid "Sawirro"

Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore

Danjire Faysal oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxweynaha Singapore

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia ahna Safiirka aan daganeen ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Singapore, Danjire Dr. Faysal...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo ku baaqday xoojinta habraacyada amniga gaadiidka

February 25, 2026
0

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo shacabka Soomaaliyeed ku bogaadisay u hoggaansanaanta awaamiirta hay’adaha amniga iyo ku gacan-siinta...

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

Mudanayaasha Labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 10aad iyo 11aad ee Dastuurka

February 25, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad ee wadajirka ah ku yeeshay xarunta Golaha...

Dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi oo la dhagax dhigay

Dhismaha waddada Dhuusamareeb iyo Qaradhi oo la dhagax dhigay

February 25, 2026
0

Munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca kaabeyaasha waddooyinka Soomaaliya ee isku xiraya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa si rasmi ah uga bilaabatay Madaxtooyada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In