Munaasabadani lagu daafurayey wajiga 3aad ee barnaamijka isbadalka dhalinyarada Soomaaliyeed , kaasi oo dhalinyaro gaareysa 186 lagu bari doono qaybaha kala duwan ee Ganacsiga lagana soo kala xulay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay siihayaha xilka wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo marti sharaf kale
Mashruucan oo loogu magac daray dhib soo celinta dhalin yarada Soomaaliyeed ayaa waxaa fulinaya hay’dda shaqaalaha aduunka ee magacadeedda loosoo gabiyo ILO iyadoona dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dowlada Japan ,
Siiyaha xilka wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya mudane Qaalid Cumar Cali , oo furay barnaamijkan ayaa tilmaamay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah laf dhabarka bulshadda isagoona kula dar_daarmay inay ka faa’iideystaan
Marshuucan ayaa qayb ka ah barnaamijyo mudooyinkii dambe ka socday magalada Muqdisho oo xirfado shaqo loogu sameynayo dhalinta Soomaaliyeed.