Tuesday, May 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Naafadda Qaranka uu kulan lagu taageeraayay Ra’isulwasaaraha ku qabta Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo lagu taageeraya Ra’isul wasaaraha  Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa soo agaasimay Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyed waxaana ka qeyb galay gudoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyed,agaasimaha xafiiska Ra’isul wasaaraha dhinaca arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha,Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed iyo qaar kamid ah dadka  Naafada ah kuwooda ku nool magaalada Muqdisho.

Cali C/laahi Salad Guddoomiyaha Golaha Naafada Qaranka Soomaaliyed oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya inta uusan xukuumada dhisan in  uu kulan la qaato  dadka naafada Soomaaliyed si uu u ogaado dhibaatada haysata maadaama ay yihiin dadka ugu nugul bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026

Warsan Xassan Xagar oo ah xoghayaha xiriirka degmooyinka ee Ururka Haweenka Qaranka oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in dowlada Soomaaliya ay il gaar ah ku fiiriso xaquuqda dadka naafada ah ee ku dhibaateysan gudaha dalka.

Agaasimaha xafiiska Ra’isul wasaaraha dhinaca arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha Cabdicaziis Cabdullaahi (Dhagaqool) ayaa kulanka ka sheegay in Ra’isul wasaaraha uu diyaar u yahay sidii ay xaquuq u heli lahaayen dadka naafada ah.

Dadka Naafada ah ayaa waxaa ay yihiin kuwo duruufo adag ku haysata magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo dhan waxaana kulankan uu qeyb ka ahaa meelaha ay dhibaatadooda ku soo bandhigaan dadka Naafadda ah oo baahi weyn u qaba in la caawiyo.

 

Previous Post

Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Maanta Booqanaya Isbitaalka Baydhabo

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo xariga ka jaray Saldhiga Boliiska ee Shibis”SAWIRO”

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo xariga ka jaray Saldhiga Boliiska ee Shibis"SAWIRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

Soomaaliya oo soo dhaweysay bayaan wadareedka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Islaamka ee Qarannimada Soomaaliya

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweynaysaa bayaanka wadajirka ah ee ay...

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

Bayaan wadajir ah oo lagu cambaareynayo furitaanka sharci-darrada ah ee waxa loogu yeeray “Safaaradda Somaliland” ee Magaalada Qudus

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalal badan oo Islaami ah ayaa si adag u cambaareeyay tallaabada ay maamulka Somaliland ku...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo war kasoo saartay cabashooyin ka yimi safarrada dalka Masar

May 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah u hakisay in Dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safar ee loo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In