Saturday, May 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Xoogga Dalka Oo Shabeelaha Hoose Ku Dilay Horjoogihii Shabaab Degmada Kuntuwaarey iyo Deegaannada Hoosyimaada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Xoogga Dalka Oo Shabeelaha Hoose Ku Dilay Horjoogihii Shabaab Degmada Kuntuwaarey iyo Deegaannada Hoosyimaada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa meel u dhow Deegaanka gowlweyn ee gobolka Shabeelaha hoose ku dilay horjoogiihi maleeshiyaadka Al Shabaab ee degmada Kuntuwaarey Ibraahim Fiiley kaddib howlgalo ay ka sameeyeen ciidamada halkaasi.

Ciidamada  Xoogga Dalka ayaa horjoogahaasi ku dilay Deegaanka Maduurow oo dhanka galbeed 10km ka xigta deegaanka golweyn ee gobolka shabeelaha hoose xili ay ku guda jireen howlaha dalka ay u hayaan ciidankaasi, waxaana horjoogahaasi la dhintay 3 ka mid ah ilaaladiisa oo ka tirsanaa Argagaxisada Al Shabaab.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026

Taliayah ururka labaad  guutada 3-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  Gaashaanle dhexe Xasan Maxamed Abuukar Xasan Jaamici oo goor dhaweyd qadka teleefoonka ugu waramay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay howlgalkaasi lagu qaarijiyay horjoogihii Shabaab ee Degmada kuntuwaarey iyo deegaannada hoos yimaada oo buula mareer ay qeyb ka tahay, isagoo sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen howlgalkii ay sameeyeen ayna ku dileen horjoogahaasi iyo sedex ka mid ahaa maleeshiyaadka Shabaab.

Ibraahim Fiiley  ayaa Kooxda Argagaxisada Al Shabaab u qaabilsanaa degmada Kuntuwaarey ee gobolka shabeelaha hoose, iyadoo lagu xusuusto dhibaatooyin fara badan oo u geysan jiray dadka ku dhaqan degmadaasi iyo deegaannada hoos yimaada, kuwaa oo uu baad joogta ka qaadan jiray, waxaana uu ka mid ahaa maleeshiyaadkii Degmada Buula mareer kula dagaalamay Ciidamada Faransiiska ah ee kal hore ka dagay kuwaa oo doonayay in ay soo furtaan muwaadin u dhashay Dalka France oo uu isagu ku hayay deegaankaasi.

Previous Post

Dhalinyarada SYL II oo bandhig ballaaran oo Fantasiyo ah ku soo bandhigay Garoonka Ex Luujino “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Qatar ee Soomaaliya

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dawladda Qatar u...

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

Guddiga Doorashooyinka oo go’aanno ka soo saaray hannaanka doorashooyinka KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saaray go’aanno ku aaddan sida ay u dhaceyso doorashada KGS ee...

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

Duqa Muqdisho oo shir-guddoomiyay kulanka amniga caasimadda

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa shir-guddoomiyey kulanka amniga caasimadda...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo tababar u soo xiray howl-wadeennada ka shaqaynaya doorashada KGS

May 9, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo uu wehlinayay Xoghayaha Guud ee Guddiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In