Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda iyo Dhiirigelinta maalgashiga oo ku sugan Magaalada guriceel ayaa kulmo ku aadan u diyaar garowga maamul u sameynta gobolada mudug iyo galgaduud waxa uu la yeelanaya waxgaradka siyaasiinta iyo qeybaha bulshada deegaanadaasi kunool
Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee Gobolka galgaduud ayaa soo sheegaya in Siihaya Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Mudane Mahad Maxamad Saalad uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah waxgarad, siyaasiin iyo qeybaha bulshada ee ku nool degmada guriceel, isagoo kala hadlay in ay der-der geliyaan dhamaystirka qorshaha lagu doonayo in maamul loogu sameeyo dadka dega gobollada Mudug iyo galgaduud.
Siihayaha Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda iyo Dhiirigelinta maalgashiga mudane Mahad Maxamad Salaad oo wali ku sugan gobolka galgaduud ayaa waxa uu kulamo sidookale la qaadan doonaa bulshada qeybahooda kala duwan kulamadaas oo inta badan looga hadlidoono dhamaystirka maamul loo wada dhanyahay oo ay yeeshaan dadka kunool gobollada dhexe ee dalka.
Kulmada ayaa wali waxa uu Siihayaha Wasiir kuxi-geenk la yeelanayaa bulshada degmada guriceel.