Thursday, February 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka Somalia oo codka Kalsoonida sabtiga u qaadaya golaha wasiirrada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Barlamaanka Somalia oo codka Kalsoonida sabtiga u qaadaya golaha wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoonka Barlamaanka Federaalka Somalia, ayaa go’aamiyey in horraanta todobaadka soo socda Ra’iisul wasaaraha Somalia uu Barlamaanka hor keeno golahiisa wasiirrada cusub iyo barnaamijka Xukuumadda.

Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ka hadlay go’aanka guddoonka Barlamaanka ayaa yiri “Guddoonka waxa uu soo saaray in maalinta sabtiga ah ee soo socota in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu Barlamaanka horkeeno golaha wasiirrada cusub iyo barnaamijka Xukuumadda oo koonan iyadoo lagu guda jiro dhammaadka kalfadhiga Shanaad ee Barlamaanka Somalia”.

Related posts

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026

Guddoomiye labaad ee Barlamaanka ayaa hadalkiisa intaa ku daray in mudaneyaasha ay kulankaasi ka soo qeyb-qalaan si Codka Kalsoonida loogu qaado Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Somalia.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamaanka in 31-ka Bisha mach ee soo socoto ay guddiga joogtada Barlamaanka go’aamiyeen in Ra’iisul wasaaraha Somalia uu soo gudbiyo barnaamijka Xukuumaddiisa oo faah-faahsan.

Previous Post

Aston Villa oo Kooxda Valencia Kala Soo Wareegtay Ciyaaryahan Carles Gil “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha C/casiis oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 25, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

Taliyaha Ciidanka XDS oo kulan la qaatay hoggaanada ciidanka

February 25, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyeyaasha Talisyada Ciidanka, Kaaliyaha...

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

Danjire Cabdinuur oo waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo u gudbiyay Madaxda Azerbaijan

February 25, 2026
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa gudbiyay nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsigiisa....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la afuray shaqaalaha Xafiiska

February 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo kulan afur ah la qaatay howlwadeennada iyo shaqaalaha Xafiiska...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In