Thursday, May 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo laga codsaday inay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka ayaa Barlamaanka Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay golaha wasiirada ka gaaraan go’aan shacabka Soomaaliyeed ay ku farxaan oo ah in ay meel mariyaan xukuumadda cusub.

Bulshada Soomaaliyeed oo ka hadlayey aragtidooda ku aaddan in golaha wasiirrada cusub, ayaa sheegay in xilligan ay lagama maarmaan tahay in xukuumadda cusub ay hesho kalsoonida Barlamaanka, si ay dalka u gaarsiiyaan hiigsiga 2016-ka, waxa ayna cod dheer ugu baaqeen Xildhibaannada golaha shacabka Federaalka Soomaaliya in ay golaha wasiirrada ay ogollaadaan oo aysan gaarin go’aan shacabka Soomaaliyeed niyad jabin kara.

Related posts

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, isla markaana ah Afhayeenka hey’adda Culimada Soomaaliyeed, ayaa walaac ka muujiyey haddii ay Barlamaanka Soomaaliya kalsoonida u diidaan golaha Wasiirrada waxa ka dhallan kara, waxa uuna ku baaqay in ay tanasul sameeyaan golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya.

“Haddii aan is ceshan weyno oo aan tashan wayno, waa inoo talin, waxyaabo aan hadda garaneyn oo Soomaali mustaqbalkeeda fog dhibaato ku keeni karta baa dhici karta, hiigsiga cusba oo aan sugeynayay in aan gaarno doorasho aysan dhicin, marka waxaan leeyahay kalsoonida shacabka, yaa la luminin” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Qaar ka mid ah shacabka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xusay in golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ay horyaalaan arrimo badan oo ay ugu horeyso hirgelinta Nidaamka Federaalka ah, dib u eegista dastuurka dalka iyo gaarsiinta dalka doorashooyin xor ah, iyadoo la meel marinayo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

Shacabka waxa ay Baarlamaanka ka codsadeen in ay codka kalsoonida ah siiyaan golaha Wasiirada, maadaama Xildhibaanada ay wakiil ka yihiin shacabka Soomaaliyeed, ayna tixgeliyaan codsiga baarlamaanka uga imaanaya bulshada qeybaheeda kala duwan.
 

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho

Next Post

Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Next Post
Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Bulshada Rayidka ah oo soo dhaweysay la dagallanka musuqmaasuqa

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In