Sunday, August 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan Lagu soo dhaweeynayay Musharax Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo Galkacyo lagu qabtay “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 18, 2015
in Wararka
0
Kulan Lagu soo dhaweeynayay Musharax Xasan Maxamed Nuur (Qalaad) oo Galkacyo lagu qabtay “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ahaa mid lagu soo dhaweeynayay Xasan Maxamed Nuur(Qalaad) oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya qabashada xilka madaxtinimada maamulka lagu wado in loo dhiso bulshada ku nool gobolada dhaxe ee Mudug iyo Galguduud ayaa isaga iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray magaalada Galkacyo waxaa lagu soo dhaweeyay hotelka Embassy ee Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.

Kulankaan lagu soo dhaweeynayay musharax Qalaad ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan xubnaha sadaxda Gole ee dowlad Gobaleedka Galmudug,kuwaasoo uu hor kacayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Ahna sii hayaha xilka madaxweynaha dowlad Gobaledka Galmudug mudane Xasan Maxamuud Heyl,mas’uuliyiinta maamulka Gobalka mudug iyo kan degmada Galkacyo culuma’udiin waxgarad iyo boqalaal ruux oo ka socday bulshada qeybaheeda kala duwan.

Related posts

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025

Duqa degmada Galkacyo Bile Diini Cali oo ugu horeeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in bulshada Gobolada Dhaxe ay xiligaan ku taamaayaan in ay yeeshaan maamul ay ku mideeysan yihiin,kasoo uu tilmaamay in haddii lagu guuleeysto ay wax badan u hagaagi doonaa,isla markaana ay hubaal tahay in ay isku filnaan ka gaari doonaan baahiyo fara badan oo xiligaan heysta dadka ku abtirsada Gobalada Mudug iyo Galguduud.

Mudane Bile Diini Cali ayaa ugu dambyntii ka dhawaajiyay in shacabka Galkacyo oo uu afkooda ku hadlayay ay soo dhaweeynayaan musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad ayna u balan qaadayaan in ay la shaqeyn doonaan haddii uu nasiibku siiyo in uu ku guuleeysto madaxtinimada Maamulka lagu wado in ay yeeshaan labadaasi Gobal ee Galguduud iyo Mudug.

Musharax Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo isna madasha khudbad dheer ka jeediyay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyay madaxda iyo shacabka Dowlad Gobaleedka Galmudug sida wanaagsan oo ay ugu soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay mahad celin kadibna waxaa uu ka warbixiyay ujeedka socdaalkiisa,taasoo uu ku qeexay in ay tahay mid qotonta sidii bulshada reer Galmudug uu ugu soo gudbin lahaa hadafkiisa ku aadan loolanka loogu jiro madaxtinimada maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galguduud.

Qalaad ayaa khudbadiisa kaga warbixiyay waxyaabaha u qorsheeysan in uu wax ka qabanayo haddii alle ku guuleeyo hogaanka maamulka ololihiisa lagu jiro,waxaana uu ka dhawaajiyay in uu wax badan ka qaban doono arrimo fara badan oo uu timaamay in ay u baahan yihiin wax looga qabto bulshada labada Gobol, kuwaa oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo horumarinta adeegyada asaasiga u ah nolasha,abuurista ila dhaqaale iyo la dagaalanka shaqa la’aanta heysata dhalinyarada ku nool Gobalada Mudug iyo Galguduud.

Ugu dambeeyntii Musharax Xasan Maxamad Nuur Qalaad ayaa sheegay in haddii uusan ku guuleysan uu la shaqeeyn doono cid kasta oo uu nasiibku u saamaxo qabashada hogaanka maamulka loo sameeynayo Gobalada Mudug Iyo Galguduud.

Kulankaan ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale ka hadlay waxgaradkii culuma’udiinkii iyo qeybahii kala duwanaa ee bulshadii ka soo qeyb gashay idil ahaantoodna waxayna si isku mid ah u soo dhaweeyeen musharaxnimada Xasan maxamed Nuur Qalaad.
1 (1)

1 (4)

1 (5)

1 (7)

1 (8)

1 (9)

1 (10)

1 (11)

1 (12)

1 (13)

1 (14)

1 (15)

1 (16)

1 (18)

1 (20)

1 (21)

1 (23)

1 (24)

1 (25)

1 (26)

1 (28)

1 (29)

1 (30)

1 (31)

1 (32)

1 (33)

1 (34)

1 (35)

1 (36)

1 (37)

1 (38)

Sawir Qaade C/risaaq Maxamed Axmed

Previous Post

West Ham oo Ka Badisay Kooxda Hull City “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen Radio Muqdisho

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

Xogta horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo ku duulaya xog sirdoon iyo raad-joogis dheer, ayaa xalay howlgal qorsheysan ku...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha XFS Oo Daahfuray Shirweynaha Wadatashiga Qaran Ee Tababaridda Khubarada Fidinta Xanaanada Xoolaha

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa Maanta magaalada...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo si rasmi ah u shaaciyay waqtiga loo dareeri doono doorashada Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa si rasmi ah u shaaciyay waqtiga shacabka gobolka...

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

Horjooge lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Bakool

August 17, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BAKOOL): Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad Qeybta 60-aad, ayaa xalay saqdhexe howlgal qorsheysan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In