Friday, June 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 19, 2015
in Wararka
0
Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday af-lagaaddadii wargeyska Charlie Hebdo uu u geystay nabigeenna Muxammad (N.N.K.H) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Isu soo baxaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada degmadaasi ku nool, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kaga soo horjeedaan Wargeyska Charlie Hebdo.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Cadaado, Cabdulqaadir Xuseen Shuuriye oo ka hadlay goob ay isugu yimaadeen dadka dibad baxay ayaa sheegay inay ka xunyihiin sawir-gacmeedkii lagu af-lagaadeeyay nabigeena Muxammed (N.N.K.H), isagoo ugu baaqay umadaha Muslimiinta ah inay wadajir dareenkooda uga muujiyaan gafka loo geystay nabigeena Muxammad (N.N.K.H).

Qaar ka mid ah maamulka degmada Cadaado oo dhankooda goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyay Nabi Muxammad (N.N.K.H).

Culimada degmada ku nool ayaa dunida Islaamka , gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan gafka loo geysey Nebi Muxammad (N.N.K.H).

Dibad baxyo kale oo lagu cambaareeyay af-lagaaddada lagula kacay nabi Muxammad (N.N.K.H) ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. 

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Next Post
Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In