Monday, July 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Banaan bax ka dhan ah Wargeyska Charlie Hebdo oo ka dhacay degmada Cadaado
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibadbax ballaaran oo looga soo horjeeday af-lagaaddadii wargeyska Charlie Hebdo uu u geystay nabigeenna Muxammad (N.N.K.H) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Isu soo baxaan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka degmada ayaa waxaa ka qeybgalay culimaa’udiin iyo qeybaha kale ee bulshada degmadaasi ku nool, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo ay kaga soo horjeedaan Wargeyska Charlie Hebdo.

Related posts

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026

Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Cadaado, Cabdulqaadir Xuseen Shuuriye oo ka hadlay goob ay isugu yimaadeen dadka dibad baxay ayaa sheegay inay ka xunyihiin sawir-gacmeedkii lagu af-lagaadeeyay nabigeena Muxammed (N.N.K.H), isagoo ugu baaqay umadaha Muslimiinta ah inay wadajir dareenkooda uga muujiyaan gafka loo geystay nabigeena Muxammad (N.N.K.H).

Qaar ka mid ah maamulka degmada Cadaado oo dhankooda goobta hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyay Nabi Muxammad (N.N.K.H).

Culimada degmada ku nool ayaa dunida Islaamka , gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay u istaagaan sidii ay u muujin lahaayeen dareenkooda ku aadan gafka loo geysey Nebi Muxammad (N.N.K.H).

Dibad baxyo kale oo lagu cambaareeyay af-lagaaddada lagula kacay nabi Muxammad (N.N.K.H) ayaa lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo. 

Previous Post

Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Hindise sharciyeedka Hanti dhowrka guud ee Qaranka

Next Post

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Next Post
Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Allaha u naxariistee Sheekh Cabdi Sheekhaal oo lagu aasay Muqdisho

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

Agaasimaha Qorshaynta iyo NIS Foundation oo xoojinaya iskaashiga lagu taageerayo hirgelinta NTP 2025–2029

July 27, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay wafdi...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Masuuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sannad-guurada 5-aad ee Ololaha Nadaafadda Xeebaha

July 27, 2026
0

Muqdisho — Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu qabtay magaalada...

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

Hoggaamiyaha KGS oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Koonfur Galbeed Soomaaliya

July 27, 2026
0

Baydhabo — Hoggaamiyaha Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowlad...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay wakiillada ururrada siyaasadeed ee Galmudug

July 27, 2026
0

Dhuusamareeb — Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay tababar loo qabtay wakiillada ururrada siyaasadeed ee ka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In