Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 24, 2015
in Wararka
0
Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay booqashada uu dalka ku imaanayo Madaxweynaha Turkiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u soo dhoweeyey una diyaar garoobay booqashada maalina Axadda ah uu caasimadda ku imaanayo Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Qaar ka mid ah shacabka ku nool degmooyinka Gobolka Benaadir oo la hadlay Warbaahinta Qaranka, iyaga oo ku sugan meelo kala duwan oo ka mid ah caasimadda ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada maalinta berri uu Muqdisho ku imaanayo Madaxweyne Raccep Tayyio Erdogan, iyagoo tilmaamay in uu ahaa mas’uul ay abaal u hayaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan.

Related posts

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025

Qaar ka mid ah dadkii la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Shalay waxa uu na soo booqday anaga oo ku jirno xaalad adag oo ah abaar iyo macluul, runtii waxa uu dunida tusay in Muqdisho la soo booqan karo, maanta isaga oo Madaxweyne ah in uu na soo booqdo sharaf weyn ayay noo tahay, mashaariic kala duwan ayuuna u horseeday in dalka laga hirgeliyo, runtii annaga farxad weyn ayay noo tahay, waayo wax weyn ayuu dalka ka hirgeliyay, aniga shacabka Soomaaliyeed ee walaalaheyga ah waxaan ugu baaqayaa inay muujiyaan dulqaad inta lagu guda jiro soo dhaweynta Madaxweynaha Turkiga oo ay xiranyihiin waddooyinka qaarkood, si aan u ilaalino sharafka shacabka Soomaaliyeed iyo kan Qaranka”

Sidoo kale Shacabka ku dhaqan magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ayaa soo dhoweeyey booqashada Madaxweynaha Turkiga uu ku imaanayo magaalada Muqdisho maalinta berrito ah, iyagoo ka codsaday shacabka inay tixgeliyaan hay’adaha amniga ee ku shaqada leh sugidda Nabadgelyada si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyaadka argagixisada ah ee Al-shabaab.
Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka ayaa booqashada Madaxweynaha Turkiga ku tilmaamay in ay tahay mid taariikhi ah, isla markaana aysan Ummadda Soomaaliyeed lloobi doonin waxqabadka dowladdiisu ay sameysay shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha dalka Turkiga mudane Raccep ayaa 19-kii August ee sanadkii 2011-ka booqasho ku yimid Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho isagoo xilligaasi ahaa Ra’iisul wasaaraha Turkiga, waxaana tani ay u noqoneysaa markii labaad oo uu dalka booqasho ku yimaado, isagoo lagu wado in xariga uu ka jaro mashaariic horumarineed oo ay dowladda Turkiga ka hirgelisay caasimadda.

Previous Post

Madaxweynaha Turkiga oo Mashaariic Horumarineed ka hirgaliyay Jabuuti

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

Xukunka horjooge tashkiiliyay Saraakiil Ciidan oo la toogtay

June 5, 2025
0

Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare”,ayaa lagu soo eedeeyay kamid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku tashkiilin jiray inay ku biiraan...

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo ka socdo Muqdsho maalintii labaad

June 5, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cumar Maxamed, ayaa furay maalinta labaad ee Shirweynaha...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo qaab foggaan arag ah uga qeyb galay kulan looga hadlayay Daacuunka

June 5, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aaden, ayaa ka qayb galay shir heerkiisu sarreeyo oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In