Tuesday, August 26, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
January 25, 2015
in Wararka
0
Madaxweynaha: “Mar kale ayaan saaxiibadeena Turkiga dib ugu soo dhoweyneynaa Soomaaliya” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 January 2015, Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Waxaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu si weyn uga mahadceliyey doorka weyn ee dowladda iyo shacabka Turkiga ka geysanayaan gargaarka iyo horumarinta Soomaaliya, isagoo sidoo kalena qirey sida Turkiga ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya , xitaa xilliyada ay khatarta jirto.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib dalka Soomaaliya ugu soo dhoweeyo Madaxweyne Erdoğan . Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid qoto dheer, laga soo bilaabo qarnigii 16aad, xilligaas oo uu jirey xiriir ka dhexeeya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saldanadii Adel ee Soomaaliya.

“Maantadan la joogo, dowladda Turkiga waxa ay si cabsi la’aan ah u muujineysey sida ay uga go’an tahay taageerada horumar Soomaalia ay iska leedahay oo dalkeena laga hirgeliyo. Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama soo hagaagto si ay maalgashi u sameeyaan, balse maalgashigooda waxaa uu gacan ka geystey in la abuuro xaalado wanaagsan keenaya xasilooni iyo kobac dhaqaale. Saaxiibtinimada iyo taageerada Turkiga u muujisey Soomaaliya waa arin abid si weyn loo xusi doono,’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Dowladda Turkiga, oo kaashaneysa Dowladdda Federaalka Soomaaliya, waxay Soomaaliya ka bilaabeen mashaariix horumarineed oo kala duwan iyo kuwo la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa caafimaadka, daryeelka nadaafadda, dhismaha isbitaallada, dhismaha wadddooyinka iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Caddde. Waxaa iyana dib loo dhisey masaajiddo horey ugu burburey dagaalkii sokeeye, waqtigan la joogana waxaa jira Soomaali badan oo wax ku barata Turkiga.

Maanta, Madaxweyne Maxamuud iyo Madaxweyne Erdoğan waxay fureen terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Xarunta Isbitalka Waxbarashada Caafimaadka iyo Cilmibaarista. Wadahadalada labada dhinac maanta Muqdisho ku dhexmarey ayaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada. Waxaa labada dhinac ay kala saxiixdeen heshiisyo taabanaya dhinacyada iskaashiga milateriga iyo amniga, dhanka dhalinyarada iyo cayaaraha, gaadiidka baddda, taageerada booliska iyo iskaashi cusub oo dhexmara Raadiyaha iyo Televshishanka Qaranka ee Turkiga iyo Televishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

“Waxan Turkiga uga mahadcelinayaa gacanta ay inaga siineyso dhinacyada dhaqaalaha, militariga, arrrimaha bulshada, iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo gargaarka aadamiga. Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayay u hayaan saaxiibtinimada kala dhexeeya Turkiga, waxaana rajeynayaa inuu sii xoogeysto xiriirka labadeena dal,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

10931414_10152984635945295_7975974228945589061_n

10942604_800165660037442_8854196586608970803_n

10947189_10152984633945295_5011556632383929463_n

10947210_10152984635385295_7243435361852656690_n

image-3b497b1b8fd8e117210f684352da132a11677aa895de669dd2943e38c2a8d3b8-V

image-16106eaf9ac61d3385f3006369a8eb8e512324bcee0028a2980a48d27c2efb1e-V

image-bb0098d67e7beead03fa68612fbd4ba2d4ecd472543feaeb708259b5070a857b-V

image-bf455141caedf0c3f33e3a0536ef25dd4cc571aa59a41993feaa70f902815f24-V

image-e610ca276efee79cc0be8786d657d49468d3dc38325ba0b0c34262e49778fa48-V

image-f400a0a5907a263ee6ee5dcbef944a32eb000b7cf800876b7e16354cb7091a9c-V

Previous Post

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho soo gaarey, mashaariicna furey “SAWIRRO”

Next Post

Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan “SAWIRRO”

Next Post
Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan “SAWIRRO”

Marwo Qamar Cali Cumar oo la kulantay dhigeeda Emine Erdoğan "SAWIRRO"

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gaaray dalka Shiinaha

August 25, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray dalka Shiinaha, halkaas oo uu uga qayb gali...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle

August 25, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda kulan kula qaatay Masuuliyiin...

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

War-murtiyeedka shirka Madaxda DFS iyo Madasha Samatabixinta

August 25, 2025
0

Iyadoo la tixgelinayo muhiimadda midnimada Qaran, xasilloonida siyaasadeed iyo dowlad-wanaagga loo dhan yahay, isla markaana mudnaanta la siinayo geedisocodka dowlad-dhiska...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kaalmo lacag ah ku wareejiyay Gudiga Gurmadka abaaraha Gobolka

August 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta SoDMA, lacag dhan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In