Wednesday, May 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan looga hadlayay arimaha xuquuqul insaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galay Sii-hayahay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya,Guddi ka socday golaha xuquuqul insaanka ee Bariga iyo Geeska Afrika ,Xubno ka socday Midowaga Yurub, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ka howlaga Soomaaliya iyo Ururada Bulshada Rayidka ah iyo xeel dheeriyaal arimaha Xuquuqul Insaanka ka shaqeeya.

Shirka oo inta uu socday lagu soo bandhigay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya iyo marxaladaha ay hada mareyso ayaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Xaliima Ismaaciil Ibraahim ‘’Xaliimo Yareey’’ oo ka mid ah dadka u ololeeya xuquuqul insaanka Soomaaliya waxayna ka hadashay kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin ilaalinta xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026

Sii-hayaha wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in ay diyaarinayaan dejinta shuruuc lagu ilaaliyo xuquuqda Aadanaha.

Sii-hayaha wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali “Dhuxulow’’ ayaa ka hadlay muhiimada Soomaaliya u leedahay ilaalinta xuquuqul insaanka soomaaliya.

Reine Alapin Gonsou oo ah xubin ka tirsan golaha xuquuqul insaanka Afrika ayaa sheegtay in laga maarmaan ay tahay in dhamaan hay’daha u doooda xuquuqul insaanka Soomaaliya ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta xuquuqda Aadanaha Soomaaliya.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in xaalada xuquuqul insaanka ee Soomaaliya ay liidato isagoo tusaale u soo qaatay xaaladaha ka jira xabsiyada dalka ku yaala gaar ahaan Xabsiga dhexe ee Xamar.

Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay magaaladda Muqdisho ku qabtaan golaha difaacyaasha xuquuqul insaanka ee Bariga iya Geeska Afrika ,waxaana shirkan maalgelinayay Midowga Yurub.
1

2

3

4

5

6

7

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysey Zakariya inuu nabadda qaatay

Next Post

Jaamacadda SIU oo qabatay munaasabad lagu taageerayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe

Next Post
Siihayaha Wasiirka Caafimaadka “Jaamacadda SIU tallaabo aad u muhiimsan ayay qaaday oo aan horey loo arag” SAWIRRO

Jaamacadda SIU oo qabatay munaasabad lagu taageerayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Adxa

May 26, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime...

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

Wasiirka Qoyska XFS oo war kasoo saartay Doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday KGS

May 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hambalyo u dirtay dhammaan...

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

GMXIQ oo walaac ka muujiyay dhacdadii ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose

May 26, 2026
0

WAR SAXAAFADEED Muqdisho, 26 Maajo 2026 – Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa walaac xooggan ka muujiyay...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA QAATAY BULSHADA RAYIDKA

May 25, 2026
0

Muqdisho, May 25, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay bulshada rayidka ah Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In