Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qalab iyo Dawooyin caafmaad oo la gaarsiiyey degmada Boondheere

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Dhallinyarada degmada Boondheere oo la doortay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalab Caafmaad iyo Dawooyin loogu talagalay in lagu caawiyo habeenka Uurka leh oo ay ku deeqeen ardeyda Jaamacadda Banaadir, ayaa la gaarsiiyey xarunta Caafmaadka degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Deeqdan Qalabka caafmaad iyo Dawooyinka ka kooban ee ka timid ardeyda Jaamacadda Benadir ee la gaarsiiyey xarunta Caafmaadka ee degmada Boondheere, ayaa waxaa lagu wareejiyey maamulka xarunta M.CH-ka, iyagoo si weyn ugu mahadceliyey Qalabka iyo Dawada oo si gaar ah wax loogu qaban doono haweenka degmada ee Uurka leh, kuwaas oo u baahnaa Dawooyinka oo gaarayey ilaa Shan Kartoon oo Faleebooyin iyo dawooyin kale.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026

Masuuliyiinta Qalabka iyo Dawooyinka xarunta Caafmaad geeyey waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Caasho Cumar Axmed, waxa ayna sheegtay in qalabka iyo dawooyinka ay yihiin kuwa ka yimid ardeyda Jaamacadda Benadir, si ay bulshada ugu faa’ideeyaan awoodda ay u leeyihiin in ay ka qeyb-qaataan u gargaaridda shacabkooda, waxa ayna kula dardaarantay maamulka xaruntaasi in ay Haweenka Uurka leh ku caawiyaan Dawooyinka loogu talagalay.

Madaxa M.C.H-ka degmada Boondheere Ruqiya Maxamuud Afrax, ayaa si weyn ugu mahadceliyey ardeyda Jaamacadda Benadir iyo Agaasimaha isbitaalka Martiini sida ay u soo gaarsiiyeen deeqdan muhiimka ah ee dhanka adeegga caafimaadka ah, waxa ayna ballan qaaday in loogu adeeggi doono dadka u baahan.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin in ay is caawiyaan, gaar ahaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen kuwa u baahan caafmaadka iyo adeegyada kale, waxa aya u mahadcelisay dhammaan ardeyda iyo maamulka Jaamacadda Banaadir ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Previous Post

Tababar la xiriira kubadda Koleyga oo Garoowe ka furmay (Sawirro)

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka...

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

SAWIRRO:-Munaasabadda Sanad Guurada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Sawirro: Waxaa si habsami leh u socota munaasabadda xuska sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas...

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

Madaxweynaha JFS oo ka qaybgalay munaasabadda sanad guurada 12-ka April ee CXDS

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska...

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In