Tuesday, November 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfurgalbeed iyo Jubba oo caasimadda ku soo fool leh

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfurgalbeed iyo Jubba oo caasimadda ku soo fool leh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubba ayaa maanta lagu wadaa in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo kulamo la qaadan doona madaxda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa ka socoto qaban qaabada sagootinta wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed “Axmed Islaam”, kuwaasi oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Related posts

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur galbeed ee dalka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyana la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, halka Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ay ku soo wajahanyihiin caasimadda.

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubba ayaa inta ay ku suganyihiin magaalada Muqdisho waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasi oo looga arrinsanayo sidii marxaladda adag ee uu dalka ku jiro looga samata bixin lahaa.

Previous Post

Kooxda Roma oo Ka Hartay Koobka Coppa Italia

Next Post

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka tacsiyeysay geeridii Allaha u naxariistee Xasan Kuuriya

Next Post
Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka tacsiyeysay geeridii Allaha u naxariistee Xasan Kuuriya

Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ka tacsiyeysay geeridii Allaha u naxariistee Xasan Kuuriya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo agab casri ah ku wareejisay Soomaaliya

November 3, 2025
0

Wasiirrada Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad uu Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Howlaha...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha dib loo doortay ee Tanzania

November 3, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Dodoma ee caasamidda dalka Tanzaniya uga qaybgalay caleema-saarka Madaxwaynaha...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxa Bankiga Adduunka ee Soomaaliya

November 3, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxa Bangiga Adduunka...

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha

November 3, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha Gudaha, kaasi oo ay Golaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In