Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa codsaday in bulshada laga caawiyo sidii looga haqabtiri lahaa adeegyada aas aasiga u ah bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi Ibraahim Nuur oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada aysan ka jirin adeegyo caafimaad oo dhameystiran, ayna jiraan bililiqo ay kooxda Shabaab u geysteen isbitaalka Degmada oo aan iminka sidii la rabay u shaqeyneynin.

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026

“Wasaaradda caafimaadka ee dowladda waan u gdudbinay xaaladda caafimaad darri ee ka jirta isbitaalka, in aysan jirin dawooyin iyo qalab kale, ayna ka codsadeen in Wasaaraddu ay gacan ka geystaan sidii bulshada looga haqab tiri lahaa dhanka adeegyada caafimaadka” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim Nuur ayaa xusay in dadka ku nool degmada ay maamulka kala shaqeeyaan xaaladaha amni iyo horumar, balse ay jiraan dhibaatooyin ragaadiyay noloshooda oo ay u geysteen kooxda argagixisada Al-Shabaab, isagoo intaa ku daray in maamulkooda uu dadaal ugu jiro dib u soo celinta adeegyada bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi Ibraahim Nuur ayaa ugu baaqay Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee dhanka beni’aadannimada qaabilsan in ay gacan ka geystaan dib u soo celinta adeegyada caafimaad ee degmada iyo dib u dhiska isbitaalka.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

Next Post
Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

The OIC, the State of Palestine join Somalia in condemning Israeli interference into its sovereignty and territorial integrity

January 10, 2026
0

The Council of Foreign Ministers of the Organization of Islamic Cooperation (OIC) held its 22nd extraordinary session today, Saturday, 10...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Somalia FM Addresses OIC Meeting, Calls for Protection of Somalia’s Sovereignty

January 10, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, delivered a speech on Saturday evening at the...

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo sheegay in Soomaaliya ay difaacaneyso Midnimadeeda

January 10, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha...

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

Xildhibaannada BJFS oo ka dooday Hindise Sharciyeedka Saybarka Soomaaliya

January 10, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 28-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In