Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Degmada Xudur oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo xafiiskiisa kula shiray qeybaha bulshada, saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo maamulka degmada ayaa uga warbixiyay socdaal uu ku tegay Muqdisho iyo dalka dibadiisa iyo waxhaabihii u qabsoomay.

Maxamed Cabdi Tool oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in socdaalkii uu ku tegay Muqdisho iyo meelo kale oo ka baxsan dalka ay ugu soo idlaatay guul, isagoo intaa ku daray in dhawaan degmada Xudur iyo deegaannada kale ee ku xeeran ay ka hirgelin doonaan mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026

Guddoomiyaha gobolka Bakool ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee bulshada inay ka qeyb qaataan sugidda amniga, si mashaariicda laga hirgelinayo gobolka ay u noqdaan kuwa ay ka faa’iideystaan bulshada Gobolka ku nool.

Korneyl Timo-cadde oo ah korneylka ugu sareeya ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla gobolka Bakool ayaa sheegay in deegaanno badan oo hoostaga degmada Xudur ay ka sameeyeen howlgallo ay kaga sifeynayeen haraadiga kooxda Shabaab, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Shabaab.

Previous Post

Maamulka degmada Jalalaqsi oo ku baaqay in laga caawiyo adeegyada caafimaadka

Next Post

Hooyo Soomaaliyeed oo Sadax wiil oo mataano ah ku umushay Isbitaal Muqdisho ku yaala.DAAWO.

Next Post
DAAWO-Banaanbax looga soo horjeedo Sawir Gacmeedyo lagu aflagaadeeyay Nabi Muxamed NNKH oo Muqdisho lagu qabtay

Hooyo Soomaaliyeed oo Sadax wiil oo mataano ah ku umushay Isbitaal Muqdisho ku yaala.DAAWO.

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed...

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

August 3, 2026
0

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari ayaa habka fogaan-aragga uga qayb galay munaasabadda lagu xusay sanad-guurada maamulkaas oo lagu qabtay gobolka Minnesota ee...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In