Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO+MUUQAAL”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 7, 2015
in Wararka, Xulashada
0
Waxqabadka Dowladda ee Usbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO+MUUQAAL”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu, 07 February 2015 – Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay. Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Dhameystirka iyo magacaabista golaha wasiirada, Kulanka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka, Horjoogeyaal Al-Shabaab ah oo la dilay, xukunno lagu fuliyey Al-Shabaab, horumarka amniga, fulinta mashaariicda horumarineed, iyo laami la saarayo waddooyinka Muqdisho.

Dhameystirka iyo magacaabista Golaha Wasiirada

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey dhameystirka golaha wasiirada ayaa yiri: “Ra’iisul Wasaare Cumar Abdirashid Cali Sharmarke ayaa 31kii Janaayo ka codsaday baarlamaanka in la siiyo 10 cisho oo dheeraad ah si uu dib u eegis ugu sameeyo liiska golaha wasiirada isla markaasna uu u soo dhameystiro, oo uu baarlamaanku ka oggollaaday. Khamiistii 5tii Febraayo 2015 ayuu Ra’iisul Wasaaruhu soo dhameystiray isla markaasna magacaabay Gole Wasiiro oo ka kooban Ra’iisul Wasaare Ku xigeen, 25 Wasiir, 14 Wasiiru Dowlo, iyo 26 Wasiir ku-xigeenno. Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu dhowaan barnaamijka Xukuumadda iyo golaha wasiirada ee cusub uu horgeeyo baarlamaanka si ay u helaan kalsoonidooda. Baarlamaanka marka uu ansixiyo ayaa la rajeynayaa in golaha wasiirada ay dardar geliyaan hirgelinta hiigsiga 2016ka.”

Kulanka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamulada dalka

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey kulanka wadatashiga madaxda Qaranka iyo kuwa Maamulada ayaa yiri “Iyaga oo ka jawaabaya martiqaad ay ka heleen Madaxwenaha Jamuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa booqasho qaadatay saddex maalmood (04 – 06 Febraayo 2015) ku yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wafuud ay kala hogaaminayaan saddexda Madaxweyne ee Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan. Ujeeddada martiqaadka Madaxweynaha ayaa ahayd wadatashi ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka si argti Qaran oo midaysan looga yeesho arrimaha Soomaaliya. Muddadii saddexda maalmood ahayd waxay dhinacyadu yeesheen kulammo diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, waxaa ugu dambeyntii la isku raacay in la abuuro lana joogteeyo Madasha Wadatashiga Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ah iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe, Bisha April 2015, in la sameeyo Guddi Farsamo, in la dardargeliyo dhismaha Dowlad Goboleedyada harsan iyo Guddiyada Dastuuriga ah ee Madaxa Bannaan si loo dhammaystiro hannaanka Federaalka, in si wadajir ah dalka Soomaaliya looga suuliyo kooxaha arga-gixisada ah lana qaado talaabo kasta oo sahlaysa isku socodka iyo arrimo kale. Sidoo kale waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa kalsoonida iyo midnimada ummadda soomaaliyeed iyada oo laga dheeraanayo wax walba oo carqalad ku noqon kara himiladaas.‬”

Horjoogayaal Al-Shabaab ah oo la dilay

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey Horjoogeyaal Al-Shabaab oo la dilay ayaa yiri “Kadib wada shaqeyn dhexmartay Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibo caalami ah ayaa waxaa 31dii Janaayo 2015 lagu dilay weerar xaga cirka ah Horjooge sare oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab. Cabdi Nuur Mahdi, oo kooxda Shabaab u taqaanay (Yuusuf dheeg), oo ay wehliyeen Horjoogayaal kale ayaa la xaqiijiyay ineey ku geeriyoodeen Duqeyn xaga cirka ah oo ka dhacday meel u dhow dagmada Diinsoor. Horjoogahan Yuusuf dheeg ayaa sidoo kale ahaa isku duba ridka iyo qorsheeyaha weerarada Gaadmada ah ee gudaha dalkeena iyo waddamo dibaddaba lagu qaado. Wuxuu diyaarin jiray Qaraxyada isugu jira is qarxinta isalmarkaana waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu ahaa udub dhaxaad ka Horjooga yaasha fara ku tiriska ah ee kooxdaas sii burbureysa ee Al-Shabaab ka haray. Dhinaca kale Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay arintaas Rear Admiral John Kirby, ayaa sheegay inay weerarkaas fuliyeen diyaaradaha aanay cidna wadin ee loo yaqaano Drones. Bishii sagaalaad ee sanadkii tagay ee 2014-ka, hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab Axmed Godane ayaa waxa lagu dilay weerar uu qaaday Maraykanka.”

Xukunno lagu fuliyey Maleeshiyaad Al-Shabaab ah

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey xukuno lagu fuliyey maleeshiyaad Al-Shabaab ah ayaa yiri “4tii Febraayo 2015 ayaa Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ay xukuno kala duwan ku riday dad loo haysto Dambiyo kala duwan oo ka tirsanaa kooxda Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab. Mascuud Khaliif Daahir oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Maxkamadu ku xukuntay Xabsi sideed Sano ah oo Xabsi Ciidan ah. Sidoo kale Nuur Isgow Mad Isaaq oo ka tirsanaa Booliska Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu xukumay sedex sano oo xabsi Ciidan ah. Cabdi qafaar Daahir Tuuryare oo ahaa sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa qaybta Hub Gudbinta ayaa Maxkamadu ku xukuntay Toban sano oo Xabsi Ciidan ah. Cabdul qaadir Maxamed jaamac oo ka tirsan maleyshiyaadka Al Shabaab gaaar ahaan qaybta Amniyaadka ayaa waxaa maxkamada ay ku xukuntay Toban sano oo xabsi Ciidan ah. dhamaana Xukunadaas waxaa ay Maxkamadu ku dhawaaqday in Racfaan uu ka furan yahay.”

Horumarka Amniga

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey howlgalo amniga lagu sugayey ayaa yiri “Ciidamada Booliska iyo Nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed oo ay wehliyaaan Ciidanka Booliska AMISOM ayaa 4tii Febraayo waxaa ay Howlgalo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir. Ciidamada is garabsanaya ayaa baarayey Xaafadaha, Gaadiidka iyo shacabka wadooyinka maraya waxaana la qabtay dad lagu tuhunsan yahay in ay ka tirsanyihiin Kooxaha Nabaddiidka ah. Ciidamada ayaa intii ay Howlgalkaas wadeen waxaa ay qabteen dad badan in kastoo Markii dambe ay Badankooda sii daayeen waxaana gacanta ciidanka ku jira 7 Ruux oo baaritaan u dhiman yahay. Gaashaanle Dhexe Maxamed Yuusuf Nuur Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid oo Saxaafada kula hadlay Isgooska Miisaanka Dhuxusha ayaa waxaa uu sheegay in Howlgalkani uu qayb ka yahay Howlgalo is daba joog ah oo Dhawaanahaanba ay wadeen Ciidamada amaanka Soomaaliyeed uuna sii socon doono waxaana bar bar socday Howlgalkaas Layrarka Cadceeda ku shaqeeya oo Wadada Warshadaha la galinayay.”

Fulinta Mashaariic Horumarineed

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey hirgelinta mashaariicda horumarineed ayaa yiri “Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweysey sida qaar ka mid ah Qurba joogta Australia ay gacan uga geysteen dib u dhis ka bilaabay wadooyinka magaaladda Beladweyne ee xurunta gobalkaasi 4tii Febraayo 2015. Dadaalkan ayaa ahaa mid ay qurbojoogta uga jawaabayeen codsigii Dowladda ee ahaa in Soomaalidu ay isku tashato, tanoo farxad weyn u ah shacabka ku nool Beledweyne. Dayactirkan ayaa lagu sameeyey waddada suuqa Yoobsan ee Beladweyne. Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday ganacsatada iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed inay barnaamijka dib u dhiska dalka ay kaalin mug leh ka qaataan, bacdamaa dayactirka waddooyinka ay horseedi karaan ganacsiga oo horumar ku tallaabsada isla markaana keeni kara shaqo abuur oo ay dhalinyaradu aad ugu baahan yihiin.”

Laami la saarayo waddooyinka Muqdisho

Sii Hayaha xilka Wasiirka Warfaaftina dhagax dhiga laami la saarayo waddooyinka Muqdisho ayaa yiri “Guddomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” ayaa 1dii Febraayo dhagax dhigay mashruuc laami lagu saarayo inta u dhexeysa isgoysyada Sayidka iyo Baar Ubax ee magaalada Muqdisho. Mashruucaan laamiga lagu saarayo jidka u dhexeysa labadaasi isgoys ayaa waxaa iska kaashanaya Maamulka Gobolka Banadir iyo ganacsatada Suuqa Bakaaraha, si loo soo celiyo bilicdii ay caasimaddu lahayd, waxaana bar bar socotay bur burinta dhismayaasha sharci darada ah oo ku yaala wadada hareeraheeda. Guddoomiye Mungab ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka dalka iyo bilicda Muqdisho, isagoo ugu baaqay bulshada in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka. Guddoomiyaha Gobolka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan mashruuca dalkaaga dhiso, si loo soo celiyo adeegyada aas aasiga u ah bulshada. Mashaariic lagu horumarinayo dalkaaga dhiso ayaa ah mid uu horey ugu dhawaaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.”

DHAMAAD – Wasaarada Warfaafinta & Hannuuninta Dadweynaha [email protected]

2

3

4

5

unnamed

Previous Post

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo lagu dilay Nairobi

Next Post

“DAAWO”Isbitaalka DEVA oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah

Next Post
“DAAWO”Isbitaalka DEVA oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah

"DAAWO"Isbitaalka DEVA oo lagu soo kordhiyay qalab casri ah

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In