Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo soo dhoweeyay ansixinta Golaha Wasiirrada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

WAR SAXAAFADEED
ANSIXINTA BAARLAMANKA EE GOLAHA WASIIRRADA

Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageeray Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisey raiisul wasaaraha, iska markaana uu ansixiyey Baarlamanka Federaalka.

Related posts

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026

“Waan soo dhoweynayaa magacaabista uu sameeyey Ra’iisul Wasaaraha iyo codka kalsoonida ee xubnahaasi cusub ay ka heleen baarlamanka.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusey in walow ay jireen arrimo culus, haddana in horumar la taaban karo la sameeyay.

“Aad ban ugu faraxsanahay in caqabado badan oo la soo marey toddobaayadii la soo dhaafey ka sokow, aaney weli meesha ka bixin xawligii aan ku wadney hawlaha aan qaranka u hayno oo weli halkooodii ka sii socda. Arrimo badan oo muhiim ah, isla markaana ahaa degdeg ayaa la xaliyey, sida dhismaha Guddiga Xudduudaha iyo Arrimaha Federaalka, martigelintii shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibedde ee IGAD, iyo shirkii madaxda Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, loogana arinsanayey horumarka Higsiga 2016 iyo Cahdiga Cusub. Dhowr xubnood oo ka tirsan ururka Al Shabaab ayaa ka soo goostey ururka, kuwaas oo ay ku jiraan boqolaal ka mid ah askarta caadiga ee ururka, iyadoo gargaarka aadaminimo iyo hawlaha xasilinta ay halkooda ka sii socdeen’’.

“Labadii sanno ee la soo dhaafey waxaa jirey hawlo badan oo ‘’daahsoon’’ , kuwaas oo looga gol lahaa in lagu soo dhiso dowlad si hufan u shaqeyneysa; haatan waxaa dowladdaas looga fadhiyaa inay isbeddel ku keento nolosha Soomaalida ku nool waddanka, isla markaana ay fidiso adeegyo wax taraya nolosha shacabka.’’

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u direy xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada.

“Raiisul Wasaaraha iyo Golihiisa Wasiirrada waa inay degdeg ugu dhaqaaqaan dhammeystirka hawlo badan oo kala duwan oo muddo dheer oo hore looga hadley: waa in la meel mariyaa sharciga asxaabta siyaasadda, isla markaana haatan ay bilowdaan sameynta wadatashi dadweyne oo la xiriira dib u eegista dastuurka, dhismaha hay’adaha dowliga, hay’adaha doorashada iyo kuwa kale ee la xiriira. Wasiirrada iyo wasaaradahooda waa inay degdeg u guda galaan hawlahooda, isla markaana ay gacan muuqata ka geystaan hagaajinta heerka nololeed ee shacabka Soomaaliyeed. Waxaa dhammaadey waqtiga hadalka, waxaana la jooga waqtigii fulinta waxyaabaha aan balanqaadney.”

DHAMMAAD

Previous Post

DAAWO-Madaxda Qaranka oo ka qayb gashay Casho Sharaf Ra.iisul wasaaruhu u sameeyay Baarlamaanka {SAWIRRO}

Next Post

Baarlamaanka oo taageero u muujinaya xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu xayiray

Next Post

Baarlamaanka oo taageero u muujinaya xawaaladaha Soomaalida ee Mareykanka lagu xayiray

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab),ayaa maanta xarigga ka jaray Parking cusub oo casri ah oo...

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

Dowladda Hindiya oo si adag uga hortimi go’aankii xadgudubka Israa’iil ee maamulka Somaliland

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay...

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

Culimada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed si weyn uga soo horjeestay xadgudubka Yuhuudda ee Soomaaliya

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee kasoo kala jeeda maamullada Puntland, Jubbaland iyo Waqooyi Bari...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In