Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musikiiste Maxamed Weli Xasan Oo Goor Dhow Geeriyooday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marxuum Muuse Nuur Amiin oo ku geeriyooday Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow ku  geeriyooday magaalada Dubai Musikiiste Maxamed Weli Xasan oo ka mid ahaa hobalada Fanaaniinta Qaranka Waaberi oo u qaabilsanaa dhanka muusikada oo uu caan ku ahaa, iyadoo si lama filaan ah uu wadnaha u istaagay xili uu ku guda jiray safar Shaqo oo uu maanta  ugu baxay Dalka Kuwait  Sida warbaahinta Qaranka uu u xaqiijiyay Maareeye Ku xigeenka Hobalada Waaberi Maxamed Xasan Barow.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa si kadis ah wadnaha u istaagay isagoo saaran diyaaradii uu saarnaa oo ku wajahneyd Magaalada Dubai ee dalka Isu taga imaaraadka Carabka u geeriyooday  mana jirin xanuun hayay waayadaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026

Geerida allaha u naxariistee Musikiiste Maxamed Weli Xasan Ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta oo uu ugu horeeyo sii hayahay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirka Cusub ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee, Wasiir ku xigeenka, iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Agaasimayaasha Warbaahinta Qaranka iyo Radio Muqdisho iyo dhamaan Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu tacsiyeeyay Sawir qaade C/qaadir Maxamed Xasan Timoos iyo eheladiisa oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda islamarkaana aabihiisa ah Allaha u naxariistee Marxuumka.

Mas’uuliyiintaasi iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey ehelada, qaraabada iyo fanaaniinta uu ka tagey, waxayna  Alle uga baryeen marxuumka inuu u naxariisto islamarkaana Janadii Fardowso eheyd uu ka waraabiyo.

Previous Post

MUUQAAL-Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cumar C/rashiid Oo qado u sameeyay xubnihii hore ee Golaha Wasiirada iyo Golaha cusub “Sawirro”

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN):-Ciidamada Xaq-u-dirirka deegaanka ee Macawisleyda ee Gobolka Hiiraan, ayaa fuliyay howlgal ballaaran oo si weyn loogu jabiyay maleeshiyada kooxda...

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

Dowladda Falastiin oo si buuxda u taageertay madax-bannaanida iyo qarannimada Soomaaliya

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Falastiin Varsen Aghabekian Shahin, ayaa si cad u muujisay taageerada buuxda ee dalkiisu u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In