Sunday, April 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Musikiiste Maxamed Weli Xasan Oo Goor Dhow Geeriyooday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Marxuum Muuse Nuur Amiin oo ku geeriyooday Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow ku  geeriyooday magaalada Dubai Musikiiste Maxamed Weli Xasan oo ka mid ahaa hobalada Fanaaniinta Qaranka Waaberi oo u qaabilsanaa dhanka muusikada oo uu caan ku ahaa, iyadoo si lama filaan ah uu wadnaha u istaagay xili uu ku guda jiray safar Shaqo oo uu maanta  ugu baxay Dalka Kuwait  Sida warbaahinta Qaranka uu u xaqiijiyay Maareeye Ku xigeenka Hobalada Waaberi Maxamed Xasan Barow.

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa si kadis ah wadnaha u istaagay isagoo saaran diyaaradii uu saarnaa oo ku wajahneyd Magaalada Dubai ee dalka Isu taga imaaraadka Carabka u geeriyooday  mana jirin xanuun hayay waayadaan.

Related posts

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

April 12, 2026

Geerida allaha u naxariistee Musikiiste Maxamed Weli Xasan Ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Mas’uuliyiinta wasaaradda Warfaafinta oo uu ugu horeeyo sii hayahay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Wasiirka Cusub ee wasaaradda Warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee, Wasiir ku xigeenka, iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Agaasimayaasha Warbaahinta Qaranka iyo Radio Muqdisho iyo dhamaan Shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu tacsiyeeyay Sawir qaade C/qaadir Maxamed Xasan Timoos iyo eheladiisa oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda islamarkaana aabihiisa ah Allaha u naxariistee Marxuumka.

Mas’uuliyiintaasi iyo shaqaalaha wasaaradda ayaa geerida marxuumka uga tacsiyeeyey ehelada, qaraabada iyo fanaaniinta uu ka tagey, waxayna  Alle uga baryeen marxuumka inuu u naxariisto islamarkaana Janadii Fardowso eheyd uu ka waraabiyo.

Previous Post

MUUQAAL-Ra’iisul Wasaaraha Mudane Cumar C/rashiid Oo qado u sameeyay xubnihii hore ee Golaha Wasiirada iyo Golaha cusub “Sawirro”

Next Post

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso barnaamijka Bandhigga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

Taliyaha Xoogga Dalka oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Geesiyaasha Ciidanka XDS Soomaaliyeed u diray Hambalyada Sanad guuradii...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Tripoli):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali,ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

Wasiirka Gaashaandhigga oo Ciidanka Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guuradoodii 66-aad

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qaybaha kala duwan ee...

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ka socota Baydhabo

Diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka oo ka socota Baydhabo

April 12, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Waxaa si habsami leh u socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Baydhabo, kadib markii muddo kooban dib loo furay goobaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In