Tuesday, July 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiir Dhuxulow oo ka tacsiyeeyey Geerida Maxamed Weli Xasan Macow
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Muqdisho, 12 February 2014- Wasiir Mudane Mustafa Dhuxulow oo dhowaan xilka Wasiirnimo ku wareejin doona wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta ayaa ka tacsiyeeyey Geerida naxdinta laheyd ee xalay ku timid Muusikiiste Maxamed Weli Xasan Macow oo ka tirsanaa Hobolada Qaranka ee Waaberi.

Wasiir Mustafa Dhuxulow ayaa yiri “Anigoo ku hadlaya magaceyga, kan Wasiirka Cusub, kan dowladda, kan Wasaaradda Warfaafinta, kan dhammaan shaqaalaha wasaaradda, kan Hobolada Waaberi, kan bahda saxaafadda iyo suugaanleyda dalka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay Maxamed Wali Xasan Macow allaha u naxariisto oo jannadii fardowsa Allaha ka waraabiyo. Geeridu waa xaq. Maxamed Wali waxuu ka mid ahaa dadka ugu fir-fircoon Hobolada Waaberi oo uu ku adkeystay inuusan dalka ka bixin muddadii 25ka sano ee la soo dhaafay. Waxuuna Waaberi u qaabilsanaa Muusikada, waxuuna ahaa shaqsi howlkar ah oo shaqadiisa ka adag isla markaasna daacad u ahaa dalkiisa iyo dadkiisa.”

Maxamed Wali ayaa ku sii jeeday dalka Kuwait oo Hobolada Waaberi ay halkaas ku soo bandhigi doonto fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxaana EEBBE uga baryeynaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo, eheladii, reerkii, gaar ahaan wiilkiisa Timos oo shaqaalaha Wasaaradda ka tirsan iyo Soomaalidii uu ka geeriyoodayna SAMIR iyo IIMAAN Allaha ka siiyo. AAMIIN

Wasiir Dhuxulow ayaa ugu danbeyntii sheegay, in bahda fanka, suugaanta iyo warbaahinta uu ka geeeriyooday shaqsi ay aad u wada jeclaayeen oo aad u afgaabnaa, howshiisna muuqatay oo mudan in wanaagii uu shacabka iyo dalka u soo qabtay in lagu xuso oo lagu maamuuso.

DHAMAAD

Previous Post

Senator Keith Ellison Oo Ka Hadlay Xawaaladaha Uu Xiray Mareykanka

Next Post

Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha

Next Post
Ku-xigeenka Ra’isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra’isulwasaaraha

Ku-xigeenka Ra'isulwasaaraha oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Hooyadii Dhashay Ra'isulwasaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

Dab xooggan oo saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Dab xooggan ayaa saaka ka kacay qeybta Cabdulla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo ololka uu saameeyay goobo ganacsi oo ku...

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

Soomaaliya oo u diyaar-garoobaysa booqashada Madaxweynaha FIFA ee Muqdisho

July 21, 2026
0

Wada-shaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali,...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In