Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ku-simaha R.Wasaaraha Dalka Oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha XRW “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 14, 2015
in Wararka
0
Ku-simaha R.Wasaaraha Dalka Oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha waaxyaha XRW “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 14, Feb, 2015…Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa kulan la qaatay Agaasime Waaxeedyada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray sidii wada shaqeyn buuxda iyo is faham u dhex mari lahaa maamulka sare iyo waaxayaha kale duwan ee xafiiska.

Ugu horeyn, waxaa kulanka ka hadlay Xog-hayaha joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Maxamed Cali Nuur, wuuxuuna sheegay in la joogo xiligii xafiiska wax laga qaban lahaa, maadaama ay soo dhamaatay dhismihii xukuumadda iyo ansixinteedii, sidaas daraadeedna hadda kadib loo soo wada jeesan doono sidii dib u habeyn ballaaran loogu sameyn lahaa habsami u socodka shaqada xafiiska R/Wasaaraha.

Related posts

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ku booriyay in shaqaaluhu la yimaadaan shaqo hufan islamarkaana ay sii xoojiyaan shaqooyinka xafiiska, isagoona tilmamaay wixii hadda ka danbeeya in qof waliba lagula xisaabtamayo waxa uu qabto.

“Kulankani ma noqon doono midkii ugu dambeeyay ee wuu sii socon doonaa, ujjeedka aan maanta u qabanayna kulanka waa in aan isbarano, dhagaystana Cabashooyinkiina, islamarkaana laga wada hadlo sidii kor loogu qaadi shaqada xafiiska oo laf dhabar u ah maamulka dowladnimo, ayna u noqoto tusaale wanaagsan wasaaradaha dowladu. Waxaana dib-u-habeyn lagu sameynayaa maamulka iyo shaqaalaha xafiiska, qof walba oo kasoo baxa waajibaadka saarana wuxuu heli doonaa xuquuqda uu leeyahay” ayuu yiri R/Wasaare ku xigeenku.

Ugu dambeyn, Agaasimayaasha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka tallo soo jeedintiisa ku aadan in dib u habayn ballaaran lagu sameeyo shaqada xafiiska, ayna diyaar u yihiin in ay kala qayb qaataan sidii loo hirgelin lahaa.

—DHAMAAD—

unnamed unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6)

Previous Post

Bayern Munich oo Xasuuqday Hamburger iyo Kooxaha Wolfsburg iyo Borussia Moenchengladbach oo Guulo Gaaray “SAWIRRO”

Next Post

Tim Sherwood oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee Kooxda Aston Villa

Next Post
Tim Sherwood oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee Kooxda Aston Villa

Tim Sherwood oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub ee Kooxda Aston Villa

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In