Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Kooxaha Roma iyo AC Milan oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Inter Milan oo Badisay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Ciyaaraha
0
Kooxaha Roma iyo AC Milan oo Bareejo Lagu Celiyay iyo Inter Milan oo Badisay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooxda Roma oo kaalinta labaad uga jirto horyaalka talyaaniga ee Serie A-da ayaa galabta iska qasaarisay fursad ay ugu dhawaan lahayd kooxda Juventus oo hogaamineyso horyaalka talyaaniga,ka dib markii ay garoonkeeda Stadio Olimpico barbardhac 0-0 ah kula gashay kooxda Parma.

Kooxda Roma oo uu hogaamiyo macalin Rudi Garcia ayaa bareejo gashay afar ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay horyaalka talyaaniga ee Serie A-da .

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

Kooxda Roma ayaa kaalinta labadaa uga jirto kala horeynta horyaalka talyaaniga,waxana ay leedahay 47-dhibcood,halka kooxda Parma ay ka mid tahay sedaxda kooxood ee ugu hooseeya horyaalka.

Kooxda Udinese ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Friuli 0-1 uga badiyay kooxda Lazio.

Ciyaaryahan Antonio Candreva ayaa daqiiqadii 23-aad ee ciyaarta goolka guusha oo rigoore ahaa u dhaliyay kooxda kooxda Lazio.

Kooxda Lazio ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uag jirto kaalinta shanaad,waxana ay leedahay 37-dhibcood,halka kooxda Udinese ay horyaalka uga jirto kaalinta 13-aad,iyadoo leh 28-dhibcood.

Kooxda Genoa ayaa markii u horeysay ilaa 7-dii bishii December ku badisay garoonkeeda Luigi Ferraris stadium,waxana ay 5-2 uga badisay kooxda Hellas Verona.

Ciyaaryahan M’baye Niang ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Genoa,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Andrea Bertolacci iyo Diego Perotti.

Ciyaaryahan Luca Toni ayaa labada gool u dhaliyay kooxda Hellas Verona.

Kooxda Genoa ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta lixaad,waxana ay leedahay 35-dhibcood,halka kooxda Hellas Verona ay horyaalka uga jirto kaalinta 16-aad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Kooxda Inter Milan ayaa guushii labaad oo isku xiga,ka dib markii ay 4-1 uga badisay kooxda Atalanta.

Ciyaaryahan Fredy Guarin ayaa labo ka mid ah goolasha u dhaliyay kooxda Iner Milan,halka labada gool ee kale ay u kala dhaliyeen ciyaaryahanada kala ah Xherdan Shaqiri iyo Rodrigo Palacio.

Kooxda Inter Milan oo uu hogaamiyo macalin Roberto Mancini ayaa habeenka khamiista koobka Europa League-ga la ciyaari doonto kooxda Celtic.

Kooxda Inter Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta tobanaad,waxana ay leedahay 32-dhibcood,halka kooxda Atalanta ay horyaalka uga jirto kaalinta 17-aad,iyadoo leh 23-dhibcood.

Kooxda AC Milan ayaa garoonkeeda San Siro bareejo 1-1 ah kula gashay kooxda Empoli.

Kooxda AC Milan ayaa goolka la hor martay,waxaan dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Mattia Destro oo dhawaan si amaah ay ugala soo wareegeen kooxda Roma.

Mateo gol

Ciyaaryahan Massimo Maccarone ayaa qebtii danbe ee ciyaarta goolka bareejada u dhaliyay kooxda Empoli.

Garsoorihii ciyaarta Paolo Valeri ayaa dhamaadkii ciyaarta kaarka casaanka ah u taagay gool-hayihii kooxda AC Milan Diego Lopez,ka dib uu kubadda ku taabtay banaanka xariijinta 18-ka.

Kooxda AC Milan ayaa kala horeynta horyaalka talyaaniga uga jirto kaalinta 11-aad,waxana ay leedahay 30-dhibcood,halka kooxda Empoli ay horyaalka uga jirto kaalinta 14-aad,iyadoo leh 24-dhibcood.

Previous Post

Isbitaalka dhexe ee Cadaado oo mishinada wax lagu baaro loogu deeqay “SAWIRRO”

Next Post

Kooxaha Arsenal,Aston Villa iyo Bradford City oo u Soo Baxay Quarter Finalka Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Next Post
Kooxaha Arsenal,Aston Villa iyo Bradford City oo u Soo Baxay Quarter Finalka Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Kooxaha Arsenal,Aston Villa iyo Bradford City oo u Soo Baxay Quarter Finalka Koobka FA Cup-ka “SAWIRRO”

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In