Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul-Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay, kana hadlay weerarkii shalay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mogadishu Feb. 21, 15….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay, isagoona ka hadlay weerarkii Argagixiso ee shalay kooxaha Nabad diidku ay ku qaadeen hotelka Central, wuxuna tacsi u diray ehelkii, Qaraabadii iyo Qoysaskii ay ka baxeen dadkii shalay ku dhintay weererka, isagoo alle uga baryay kuwii ku dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Weerarkaan waxaa toos lagu bartilmaameedsaday dad muslimiin ah oo xilgaas u taagnaa gudashada waajibaadka Salaadda Jimce, fikirka ay xambaarsan yihiin nabad diidku waa mid lagula dagaalamayo diinteena suuban. Waxaana ilaahay uga baryeynaa inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo intii ku dhimatay, inta ku dhaawacantayna ilaahay siiyo caafimaad taam ah. Waxayna shalay noo ahayd maalin murugo oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay xusuusan doonaan dadkii qaaliga ahaa ee naftooda ku weeyay weerarkaas”

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026

“Falkan wuxuu na tusayaa in kooxaha nabad diidku ay cadaawad u qabaan dadka Soomaaliyeed, kuna beegsanayaan masaajidada iyo goobaha lagu cibaadaysto. Waxayna ka soo horjeedaan Soomaaliya oo nabad ah, midaysan, horumarna ku talaabsatay, mana aqbalayno dhaqamadaan ay ku dheehan tahay cadowtinimadu”

“Xukuumadda iyo shcabka Soomaaliyeed oo midaysan waxay diyaar u yihiin iney ka qayb qaataan sidii dalka loo xasilin lahaa, loogana hortagi lahaa kooxaha caadaystay weerarada waxashnimada ah”. ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke oo dhanka kale weydiistay beesha caalamka inay gacan ka geysato ciribtirka kooxaha argagixisada.

Ugu danbayntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xalay kulan deg deg ah ay isugu yimaadeen Madaxweynaha J.F.S Mudane Xasan Sheikh Maxamud , golaha Wasiirada iyo laamaha amniga, kaas logu sameeyey laba gudi oo midna baaritaan ku sameeya sidii wax u dhaceen, midna uu gacan ka gaysanayo sidii gar-gaar caafimaad loogu fidin lahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney gacan ku siiyaan ciidamada howlaha lagu sugayo amniga.

–DHAMMAAD—
unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

Previous Post

MUUQAAL-Madaxweynaha: “Dal ma hormaro ilaa iyo luuqaddiisa la horumariyo mooyaane”

Next Post

MUUQAAL-Wasiirka Caafimaadka “Dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibadda ah ayaan u qaadeynaa”

Next Post

MUUQAAL-Wasiirka Caafimaadka “Dhaawacyada aan dalka wax looga qaban karin caafimaad dibadda ah ayaan u qaadeynaa”

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

January 11, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Saturday evening in Jeddah with his...

Somalia, Sudan Denounce Israel’s “Somaliland” Recognition

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In