Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Diyaaradda wadday Qamri oo gacanta lagu dhigay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 24, 2015
in Wararka
0
Diyaaradda wadday Qamri oo gacanta lagu dhigay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada Ammaanka dowladda Federaalka iyo Waaxda Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, ayaa gacanta ku dhigay diyaarad sidday waxyaabaha Maanka-dooriya oo ka soo degtay garoonka diyaaraha Muqdisho.

Diyaaradda gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen ilaa 25,416 dhallo oo Qamri ah, kuwaas oo la doonayey in loo gudbiyo gudaha magaalada Muqdisho oo ay dowladda Soomaaliya ka mamnuucdey in la keeno dalka waxyaabahaasi maanka-dooriya.
Halka lagu soo bandhigayey marka la qabtay diyaaradda Qamriga keentay waxaa tagay wasiiru dowleyaasha ka ah, Maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Amniga Gudaha C/kariim Sheekh Cumar.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ee Booliska Soomaaliyeed, General Cabdullaahi Xasan Bariise, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Kartoono lagu soo sajilay dhallooyin Qamri ah oo la doonayey in si ganacsi ah loogu gudbiyo magaalada Muqdisho, hasa yeeshee ay u suurashay in ay gacanta ku dhigaan alaabtaan, waxa uu intaa raaciyey in Garoonka diyaaraha howlaha ka socda gaar ahaan alaabaha laga soo dejiyo ay si aad ah u koontaroollaan, arrintanna ay baaritaanno dheeri ah ku hayaan hadda.

Wasiiru dowleyaasha ka ah, Maaliyadda, Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Amniga Gudaha C/kariim Sheekh Cumar. ayaa uga mahadceliyey ciidammada ammaanka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle howsha ay qabteen iyo sida ay ugu guuleysteen in ay qabtaan waxyaabaha Maanka-dooriyaha.

Previous Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post

Marwada madaxweynaha oo booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central (Sawirro)

Next Post
Marwada madaxweynaha oo booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central (Sawirro)

Marwada madaxweynaha oo booqatay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Central (Sawirro)

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

Madaxweynaha JFS oo kulan doceed la qaatay dhiggiisa Turkiga

September 15, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qaybgalaya Shirwaynaha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka socda magaalada...

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

Dardargelinta mashruuca SHIIP oo laga hadlay

September 15, 2025
0

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guryeynta ayaa maanta lagu qabtay kulanka bilaha ah ee u dhexeeya Wasiirka Wasaaradda iyo hawl-wadeenada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku soo bandhigay Shirka Carabta mowqifka Soomaaliya ee ka dhan ah xadgudubyada Israa’iil ee dalalka Carabta

September 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo...

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

September 15, 2025
0

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo ay soo agaasintay Hay’adda Taya-dhawrka Qaranka.   Shirkan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In