Saturday, December 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Safiirka China u qaabilsan Soomaaliya”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Cabdusalam Hadliye Cumer ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Wei Hongtian oo ay ka wada hadleen xiriirka soo jireenka ah ee labda dal,iskaashiga,fulinta barnaamijyo horumarineed iyo dhaqan-gelinta heshiisyo labada dowadood hore u kala saxiixdeen .

Kulanka ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray danaha wadaagga ah iyo dardar-gelinta mashaariic dib u dhis oo laga fuliyo dalka Soomaaliya.

Related posts

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025

Kulankani oo ku dhammaaday jawi isfaham leh,ayaa waxaa goob joog ka ahaa lataliyeyaal ka tirsan Xafiiska Wasiirka iyo diblomaasiyiin ka howlgala Safaaradda China ee ee Caasimadda Muqdisho.

Waxaa xusid mudan,in Soomaaliya xiriir saaxiibtinimo oo aad u qoto-dheer ay la leedahay Xukuumadda iyo Shacabka China oo soo taxanaa muddo hadda laga joogo 600 sano,iyadoo Culimada iyo Ganacsatada China ay booqdeen deegaano kala duwan oo dalka Soomaaliya sanadkii 1420-kii (Miilaadiyah) si isdhaafsi ganacsi ,dhaqan iyo dhaqaale ula wadaagaan dadka Soomaaliyeed.

Dowladda China ayaa aqoonsatay qaranimada iyo gobonimada Jamhuuriyadda Soomaaliya 14 –kii bishii December sanadkii 1960 –kii ,taa badalkeeda Dowladda Soomaaliya waxa ay hormuud u aheyd,olole hogaamineed u noqotay dowladihii u codeeyay in dowladda China ay xubin buuxa oo joogta ah ka noqoto Golaha ammaanka, taasoo u suura-gelisay Xukuumadda Beijing inay yeelato awoodda codka qayaxan ee diidmada.

IMG_0188

IMG_0193

IMG_0195

Previous Post

Dhageyso Bandhiga Wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Next Post
Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Wasiir Mustafa Dhuxulow oo ka hadlay xil wareejintii Wasaarada Warfaafinta

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS Oo Ka Qaybgalay Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Xarunta Tababarka Janaraal Kaahiye waxaa haatan ka socda munaasabadda xuska sanad-guuradii 82-aad ee aasaaska Ciidanka Booliska, waxaana goobta ku...

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Sabti, 20ka December,2025 1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho kooban ku tegay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo shir muhiim ah uga qayb galay Masar

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(QAAHIRA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Jimce ah soo gaaray Magaalada Qaahira...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

December 20, 2025
0

RADIO MUQDISHO(Addis-Ababa):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo hal maalin ku tagay magaalada Addis Ababa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In