Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Door Muuqata Ay Ka Qaataan Dadaalka Horumarineed Ee Ka Socda Beledweyne

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Oo Sheegay In Door Muuqata Ay Ka Qaataan Dadaalka Horumarineed Ee Ka Socda Beledweyne
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed C/llaahi Buraale oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka warbixiyay howlaha balaaran ee Ururka iyo sida ay uga qeyb qaataan Horumarinta iyo Dib u dhiska Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada B/weyne.

Maxamed C/llaahi Buraale ayaa tilmaamay in Ururku uu kaalin muuqato ka qaato Mashaariicda Horumarineed ee ka socda Magaalada B/weyne Islamarkaana ay si dhow ula Shaqeeyaan howl wadeenada Mashaariicdaasi, iyadoo ay ka gacan siinayaan dardargalinta howlahaasi dhalinyara badana ay Shaqooyin ka heleen.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa dhinaca kale waxa uu wax lagu farxo ku tilmaamay in dhalinyaradu ay dhawaan la kulantay Wasiirka Dhalinyarada Soomaaliya kaasi oo ka mid ahaan Wafdigii Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ee gaaray B/weyne oo ay ka wada hadleen arrimo la Xiriira horumarinta dhalinyarada Gobolka.

“Waxaan marka hore aad ugu faraxsanahay in aan B/weyne ku soo dhaweyno Wafdigii labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti kuwaasi oo dhawaan booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada, Waxaa sidoo kale Farxad inoo ah in fursad ay noo noqotay in aan la kulano Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo noo balan qaaday in wax badan uu dhalinyarada Gobolka la qaban doono islamarkaana uu mar kale u imaan doono” ayuu yiri Guddomiyaha dhalinyarada Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Maxamed C/llaahi Buraale ayaa waxa uu ka hadlay sida ay uga qayb qaataan dagaal Beeleedyada mararka qaar ka dhaca Gobolka oo uu sheegay in dhalinyaradu xiliyada Colaadaha ay ku baxaan si loo badbaadiyo dhiiga dadka walaalaha ah ee daadanaya islamarkaana ay gurmad u fidiyaan dadka ku barakaca.

Previous Post

Muwaadiniin u dhashay Sri Lanka Oo Burcad Badeeda U Afduubnaa Oo La Sii Daayay

Next Post

“Sawirro”Dibadbax looga horjeedo xayiraadda xawaladaha Mareykanka oo Muqdisho ka dhacay

Next Post
“Sawirro”Dibadbax looga horjeedo xayiraadda xawaladaha Mareykanka oo Muqdisho ka dhacay

"Sawirro"Dibadbax looga horjeedo xayiraadda xawaladaha Mareykanka oo Muqdisho ka dhacay

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In