Monday, February 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Baarlamaanka Dalka Jarmalka “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Gudoomiyaha Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Oo Booqasho Taariikhi Ah Ku Tagay Baarlamaanka Dalka Jarmalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo maalmahan ku sugnaa dalka Jarmalka oo ay kulammo kula lahaayeen madax iyo khuburro ayaa maanta booqasho taariikhi ah ku tagay xarunta Baarlamaanka Dalka Jarmalka halkaasi oo ay kulammo kula qaateen Guddoonka dhigooda ah ee Baarlamaanka Jarmalka.

Calanka quruxda badan ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dul babanayey dhismaha dalka Jarmalka ayadoo Guddoonka labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jarmalka ay wada qaateen kulammo saacaddo qaatay oo looga hadlayey xiriirka iyo iskaashi adag oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Jarmalka ayadoo Guddoonka Baarlamaannada labada dalna ay isku wada afgarteen wadashaqeynta iyo iskaashigaasi.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026

Dhinaca kale Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah ula kulmay madaxa guddi qaabilsan arrimaha bariga Afrika oo ka kooban 36 Xildhibaan islamarkaana ka tirsan Baarlamaanka dalka Jarmalka waxaana uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu ballan qaaday dhismaha guddi Baarlamaani Soomaali ah oo guddigan Jarmalka ah kala shaqeyn doona arrimaha xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan.

Wafdiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dhinaca kale la kulmay madaxa xafiiska arrimaha dibadda ee Afrika ayaga oo ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa taageerrada iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Jarmalka oo iyagu horey u lahaan jiray xiriir taariikhi ah oo baaxad weyn.

—-DHAMMAAD—

Genrmany Parliament 1

Genrmany Parliament 2

Genrmany Parliament 3

Genrmany Parliament 4

Genrmany Parliament 5

Genrmany Parliament 6

Genrmany Parliament 7

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- [email protected]

Previous Post

Guddiga Xeer Hoosaadka Ee Baarlamaanka Oo Kampala Uu Uga Furmay Aqoon Kororsi Ku Aadan Dib U Eegista Iyo Wax Ka Bedelka Xeer Hoosaadka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka habeennimo ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga XFS

February 22, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa xarunta hay’adda ku qaabbilay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane...

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

Senator Xasan Kobac oo markale biyo dhaamin u sameeyay qoysas danyar ah

February 22, 2026
0

Hey'adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanator Xasan Kobac ayaa maanta Deeganka Maroodile Ka daah durtay Wajiga Labaad...

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Boqortooyada Sacuudiga

February 22, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si diirran ugu hambalyaynaysaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya aan walaalaha nahay munaasabadda Maalinta Aasaaska, taas oo calaamad...

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

Shir Ku Aadan Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda oo Lagu Qabtay Muqdisho

February 22, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdulqaadir Cali, ayaa guddoomiyay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In